Gabdho waa guur doon iyo xoolo doon

Published: January 6, 2015

Kn: Gabdhaha guurku wuxuu u yahay baahi asaasi ah, waxaana ku abuuran caadifo hooyonimo.
Xooluhuna waxay saldhig u yihiin baahiyo kale oo aasaasi ah, sida: hunguriga, hu’ga iyo hoyga.

Baahiyaha aasaasiga ah midna mid kale booskiisa ma buuxin karo oo gabadha si kasta oo ay u ladantahay ladnaantaas u buuxin mayso kaalintii saygu u buuxin lahaa ee waxaaba hubaal ah in gabarba gabadha ay ka barwaaqo badantahay ay guurka uga baahi badantahay.

Dhinac kale haddii laga eego gabadhu iyada oo ladnaan dhaqaale iyo barwaaqo ku dhexjirta ayay raacdaa nin aan beerkiisa beer ka xigin; si ay marwo iyo hooyo u noqoto, waxayna ka tagtaa saygeeda hodonka ah haddii uu gabo qasadkii ay u guursatay.

Taa macneheedu waxaa weeye gabadhu kuma samri karto ladnaan say la’aan ah lkn way ku samri kartaa say sabool ah.

Tan kale aadanaha dunida ku nool in yar baa maalqabeen ah, inta maalka waalidkood ka dhaxashayna way ka sii yar yihiin ee waxaa badan inta maalka kasbatay.

Ragga shaqaystay oo hodonka noqdayna markay hodmeen ka dib ma wada guursan ee iyaga oo xaasas leh ayay wax tabcadeen.

Taa macneheedu waxaa weeye haweenka ay qabaan ragga maalqabeenka ah badankoodu nimanka iyagoon xoolo lahayn bay guursadeen.

Ninku marka uu dhallinyaro yahay wuxuu qabsan lahaa, wuxuu tabcan lahaa, wuxuu guursan lahaa, wuxuu dhali lahaa kulli waa u dhimanyihiin.

Meesha u horaysa ee uu wax ka bilaabayana waa guurka haddii uu masruufka shaqayn karo; waayo xaaskiisu waa qofkii ugu muhiimsanaa ee wax la dhisi laha oo wax ka dhigi lahaa. Waa tii aan horay idiinku soo wariyey: reerku seddex buu ka dhismaa: hoyiso, hayso iyo hinjiye.

Gabagabadii gabadhii guur doon ah ha guursato wiil leh diin, akhlaaq iyo dadnimo saboolba ha ahaadee; waayo ninkaan xilligii uu wax noqon lahaa hadda ayuu bilowyahay, hana ku caawiso sidii uu dhinac walba u noqon lahaa ninka koowaad, gabadhii xoolo doon ahna ha sugto mid aabbihi maal uga dhintay ama oday xoogaa haysta ha raacdo.

W/Q : Sh. Axmed Cabdisamad

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Waa kuma Mukhtaar Rooboow ?
Abuu Mansuur oo dowladda kusoo biiraya
Dalalka Khaliijka “Qatar waa in ay xirtaa Aljazeera iyo saldhiga Turkiga”
Geeridii Aw Libaax oo gilgishey Jubbaland
Koonfur Galbeed oo heshiis la gashay shirkad ajnabi ah