Daldaloolada guddiga doorashooyinka qaranka

Published: May 15, 2015

Kn: Dhawaan golaha wasiiradda wwaxa ay ansixiyeen guddiga doorashooyinka qaranka, kan xuduudaha iyo federaalka iyo waliba guddiga adeegga garsoorka.
Balse waxaa ka yimid buuq badan, gaar ahaan kan doorashooyinka , waxaana kasoo horjeedsaday inta badan dowlad goboleedyada sida Jubbaland iyo Puntland.

Hadaba waxaan halkan ku falanqeynayaa si kooban xogaha la xiriira guddigani inta laga ogyahay iyo meelaha ay ciladaha ka jiraan.

Magacyada guddiga doorashooyinka Qaran
1. Siciid Xaashi Warsame
2. Maxamed Xasan Taani
3. Xuseen Aadan Cali
4. Sayid Cali Sheekh Maxamed
5. Maxamed Axmed Nuur
6. Cabdiraxmaan Cusmaan Dirir
7. Maxamed Daahir Maxamuud
8. Xaliimo Ismaaciil Ibraahim
9. Khadiijo Cosoble Cali

Sida aad aragtaan guddiga waxa uu ka koobanyahay 9 xubnood, sida uu sharciga qabana waxa ay ahayd in golaha wasiirada loo gudbiyo 27 qof oo ka mid kuwii shaqooyinkani soo codsaday , balse wasaaradda arrimaha gudaha waxa ay gudbisey 45 qof.

Waxaa guud ahaan shaqooyinkani codsaday 365 qof oo rag iyo dumar isugu jirey, balse waxaa xulista lagu saleeyey nidaamka 4.5 ee beelaha, taasi oo micnaheedu noqon karo in dad badan oo shaqadani u qalma laga tagay.

Waxaa iyadana jirtey in dadka saameynta leh sida madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka , wasiirka arrimaha gudaha iyo ku xigeenkiisa intuba ay si toos ah iyaga usoo xulanayeen dadka beelahooda kasoo jeeda ee ay jecelyihiin in ay galaan guddiga.

Tusaale ahaan beesha madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha gudaha waxaa guddiga u galay labo haween, labadubana waa kuwa aad ugu dhow madaxweynaha, lagana yaabo in midkood ay guddoomiye ama ku xigeen ka noqdaan guddiga maadaamaa ay yihiin labada dumar ee kaliya ee guddigani ku jira.

Waxyaabaha laga yaabo in aadan ka warheynin ee guddigani ku saabsan waxaa ka mid ah in mudada uu xilka heynayo gudigani ay tahay muddo 6 sano oo aysan marnaba dhacaynin, mushaarkooda waa 7 kun doolar bishii, oo ay u dheertahay gunnada, gaadiidka iyo waliba safarada oo laga bixinayo.

Waxaase ugu yaabka badan awoodaha guddigani la siiyey oo ah meelaha ugu horeeya ee la’isku hayo, waxaa ka mid ah in guddigani uu isaga xaq u leeyahay in uu iclaamiyo waqtiga la qabanayo doorashooyinka, taasi oo micnaheedu noqon karo in muddo sanad ah uu waqtiga ugu dari karo madaxweynaha iyo dowladda.

Waxaa kale oo awoodaha guddigani ka mid ah in uu isaga kaliya xaq u leeyahay in uu maamulo doorashooyinka ka dhacaya dowlad goboleedyada.

Sidoo kale waxa uu guddiga xaq u leeyahay in uu isaga dajiyo shuruudaha dadka u tartamaya madaxweynenimada, taasi oo micnaheedu uu noqon karo in sida ay iyaga doonaan ay shuruudaha ka dhigi karaan.

Puntland ayaa si gaar ah oga boodsan guddigani, sababtuna waxa ay tahay in hal qof oo reer Puntland ah uusan ku jirin, kaliya waxa ku jirta xubinta beesha shanaad oo marka dhinac kale laga fiiriyo ka mid ah beelaha Puntland iyo meelo kalaba degen , taasi oo la rajaynayay in ay Puntland ku qanacdo.
Dhanka Xamar waxa ay dadka su’aalo ka qabaan waxa beelaha madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha gudaha xaqa u siiyey kaligood in ay guddiga kusoo baxaan, waxaana la’isweeydiiyey halka ay ka baxeen beelihii kale, waxaase layaab sii noqotey in labada xubnood ee beelahaasi la siiyey labaduba ay dumar noqdeen.

Marka laga hadlayo Xaliimo Yareey oo hadda ah guddoomiyaha guddiga farsamada maamul u sameynta gobolada dhexe ayaa waxaa farta lagu fiiqayaa in iyada lagu abaalmariyey shaqadaasi ay ka qabatay gobolada dhexe.

Kaalinta ay wasaaradda arrimaha gudaha ka qaadatay xulista, iyo awoodda ay ku maroorsatay magacaabista guddigani oo ay ahayd in uu ahaado guddi madax banaan ayaa iyana ka mid ah waxyaabaha farta lagu fiiqayo.

Si kastaba ha ahaatee, iyada oo waxaasi oo dhan iyo ka badanba ay jiraan, ayaa guddigani iyo kuwa kalaba waxa ay tagi doonaan baarlamaanka oo ay tahay in la ansixiyo, mana la hubo sida lagu ansixin karo.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Jawaari oo wargalin u direy “Jaalayaasha”
Wasiir Qamar : Ceelka Afmadoow kala bar ayaa dhiman
Kismaayo : KM0 oo la asteeyey
Video : Qoraa Sheekh Xamdi iyo Xiddigiska
Haatana Jabuuti !