Cabdinaasir Saxansoxo oo loo magacaabay Xarunta Baahinta iyo Bidhaan-Aragga Jubbaland

Published: September 19, 2015

Kn: Xarunta Baahinta iyo Bidhaan-Aragga Jubbaland ama Jubbaland TV waxa uu yeeshey agaasime cusub, xilkaasi oo loo magacaabay Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir (Saxansoxo) oo ah warfidiyeen muddo kusoo jirey hawlaha warbaahinta.

Wariye Saxansoxo

Cabdinaasir ayaa horey mas’uuliyaddo kala duwan uga soo qabtay warbahinta Soomaalida kuwooda ugu nuxurka badan, iyada oo markii ugu dambeysey uu ahaa mas’uul ka tirsan idaacadda Goobjoog oo ah tan dalka Soomaaliya ugu weyn, looguna dhagaysiga badanyahay.

Shaafi Raabbi Kaahin oo ah guddoomiyaha guddiga bud-dhigayaasha Jubbaland TV ayaa sheegey in Cabdinaasir ay u xusheen aqoontiisa durugsan ee saxaafadda iyo waayo-aragnimada uu u leeyahay hawlaha saxaafadda.

Jubbaland oo maalin kasta talaabo hor leh qaadaysa, ayaa taleefishinka ay yeelatay waxa uu noqdey rajo cusub oo soo korortey, wuxuuna taleefishinka barnaamijyadiisa iyo jadwalkiisa shaqo bilaabi doona koowda bisha Oktoobar, inta ka horeysana waxa uu hawada ugu jiraa si tijaabo ah.

Bahdweynta saxaafadda Soomaaliya iyo suxufiyiin caan ah ayaa u hambalyeeyey magacaabista saxansoxo, Cumar Seerbiya oo ah qabiir saxaafadeed oo ku nool magaalada Hargeysa ayaa yiri Hambalyo saaxiibkay Cabdinaasir Axmed Sheekh saxanaxo oo loo magacaabay agaasimaha Jubbaland TV cabdiaasir muddo uu maamul shaqaale ii ahaa waxaan ku bartay ixtiraam dad jacayl iyo karti taas uunbaanan rajaynayaa in uu ku dhaqi Tv-ga”.

Maxamed Muuse Nuur (Deeq Darajo) oo ay muddo soo wada shaqeeyeen saxansoxo, ahna suxufi weyn oo ku nool dalka Maraykanka aya yiri “Hambalyo ayaa leeyahay Saaxiibkey. Waa ku kalsoonahay in uu howshaasi ka soo bixi doono.
Horey wuxuu usoo noqday Xoghayaha Saxafiyiinta SOJASA, Madaxii Wargeyska Codka Somalida Koonfur ee Xogmaal, afaftirihii Kismaayonews, Board Member Global Somali Diaspora, Wakiilka Wareedka Universal Tv ee Johannesburg
iyo Gudiga Guud ee Idaacada Goobjoog FM 88.5 , iyo Howlo kale oo aad u badan oo aanan halkani ku soo koobi karin”.

Xuseen Baari waa suxufiyiinta wax ka qora arrimaha saxaafadda, waxa uu yiri “Hambalyo walaal qaaliya Cabdinaasir Saxansoxo oo si rasmiyan Md Axmed Maxamed Islaam ugu magacaabay Agaasimaha ‪#‎Jubbaland_Tv‬ , waxaan aaaminsanahay inuu yahay qof kasoo bixi kara howshan. Rabbi hakugu asturo Walaal”

Guddoomiyaha jaaliyadda Jubbaland ee Koonfur Afrika Qadar Dalmar iyo Wakiilka Jubbaland ee Findland Cabdiwali Qaasim Gaaboow ayaa labaduba hambalyo u direy agaasimaha cusub.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Abshir Bukhaari oo loo doortey guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare
Yaxye Jaamac oo ka huleeley Gambia
Cabdi Xaashi oo loo doortey guddoomiyaha Aqalka Sare
19 Agaasimayaal guud oo lasoo dhajiyey Jubbaland
Jawaari oo musharixiinta madaxtinimo qalbiga u qaboojiyey