Xasan Xanafi oo lagu xukumey ‘Labo Geeriyood’

Published: March 26, 2016

Kn: Sida iyada oo aysan ku filneyn in hal mar lagu xukumo dil toogasho ah, malahana laga cabsi qabo in uu qabriga kasoo naaxo ayaa mar kale lagu xukumey dil toogasho ah.

 

xasan xanafi

Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida ayaa mar kale dil ku xukuntay Xasan Xanafi Xaaji, kaasoo racfaan ka qaatay xukunkii Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

Qareenada u doodayay ayaa racfaan ka qaatay xukunkii dilka ahaa ee ay ku ridday Maxkamadda Darajada koowaad 3-dii bishan Maarso.

Dhageysiga dacwada oo dhacday maalintii Khamiistii ayaa waxaa mar kale Maxkamadda la horkeenay cadeymo iyo marqaatiyeyaal.

Hase ahaatee Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ayaa dib u dhigtay xukunka, waxaana maanta oo Sabti ahna y sii adkeysay xukunkii ay horay u riday Maxkamadda darajada koowaad.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in Xasan Xanafi Xaaji oo 28 jir ah lagu xukumay dil, oo ah qisaasta Sheekh Nuur Abkey oo ka tirsanaa Radiyaha dowladda sida uu yiri.

Inta badan Maxkamadda darajada koowaad ayaa xukunada ay riddo waxaa racfaan looga qaataa Maxkamadda sare, taasoo ugu dambeyn xukunka hore baabi’isa ama sii adkeysa.

Xasan Xanafi Xaaji ayaa horay lagu soo eedeeyay inuu ka dambeeyay dilalka suxufiyiin dhowr ah oo ka howl galayay Muqdisho, waxaana uu horay u qirtay inuu ku lug lahaa dilalka illaa afar saxafi.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
21 Madfac oo loo ridey Farmaajo
Socdaalka Farmaajo ee Kenya oo hadal heyn badan dhaliyey
Nabad sugida Jubbaland oo guulo gaaraya
Taariikh nololeedka Ra’isulwasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed
Abuukar Baalle oo duulin doona madaxtooyada