Kn: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa bisha Ramadhaan aygeed cafis ugu fidiyey illaa 13 dhalinyaro oo horey loogu heley ka mid ahaanshaha kooxda falaagada hubeysan ee Alshabaab, kuwaasi oo maanta xabsiga laga siidaayay.
Dambi baaraha Jubbaland Axmed Muuse oo warfidiyeenada la hadlay ayaa sheegey in 3 ka mid ah raggani magaalada laga masaafurin doono, halka kuwa kale ay bulshada dib u dhexgali doonaan.
Iyaga oo ka hadlayay idaacadaha la’iska arko ayay qaarkood dadkani cafiska loo fidiyey sheegeen in ay ka towbad keeneen ka mid ahaanshaha Alshabaab.
KismaayoNews.com