Xasuustaydii Nabad Sugiddii Soomaaliya (N.S.S 1976 – 1991)

Published: July 9, 2016

Kn: Bisha Janawari 1976 dii ayaa wuxuu Madaxwayne Siyaad shiriyay Xubnihii Golaha Sare , waxaa laga xaajoonayay Xaashi Sir Culus ahayd oo laga dusiyay Xafiiska Laanta Beeraha Adduunka ( FAO ) ee fadhigeedu yahay Roma , Talyaaniga, warqadda waxay sheegtay inay Dawladda Maraykanka doonayso inay biyaha ka jarto beeraleeda Soomaaliyeed ee ka cabba wabiga Shabeelle ayadoo la adeeg sanayo Mashruuc waraabineed oo loo samaynayo Itoobiya.

Hay’adda ( USAID ) ayaa ku yaboohday 29 Milyan oo Doollar , Waashintoon ugu tala gashay in lagu oomiyo Soomaalida beeralayda ah, waxaa maruuca Fulin lahaa Shirkad Israa’iil laga leeyahay ,muddo 9 bilood ah ayaa la karinayay qorshaha laga yeelayo mashruucaas ay doonayso Waashintoon inay ku kumaaddo wax soo saarka Soomaalida ayadoo adeegsanaysa Xeel dheerayaal Yuhuud ah , dhamaadkii bishii 9 aad 1976 dii ayaa waxaa la iiga yeeray Xafiiska Madaxwayne Siyaad , waxay ahayd shaqo dibadeed tii iigu adkayd ee la ii diro ,anigoo jiray sanadkii ugu horeeyay mooggan dugsigii Mooscow ee barashada Xeeladaha Ilaalinta Qaranka waana sanadkii 1 aad een si rasmi ah uga hawl bilaabo NSS ta.

Qorshe dhamays tiran ayaa gacanta la iiga galiyay , waxaan u dhoofay Lagos , Nayjeeriya oo ka ahayd marinadii Shaar badalashada NSS tii Soomaaliya, kadibna Budabesti , Hangari, halkaas ayaan ka aadi doonaa Tel-Aviv markii iigu horaysay , fiidkii ayay Diyaaraddii na dhigtay dhabaha diyaaradaha ee Ben Gurion , waxaan habaynkii u hoyday Huteel aanan haattan xasuusan magaciisa , aroortii ayaan doontay guri aan ka shaqo tago , dhismaha 37 jidka Yuushac Binu Nuun , Tel Aviv ayaan kiraystay Jiif , Jiko iyo fadhi isku qoofalan , 3 casho ayaan intaan fiidkii boxo soo iibsadaa dhawr dhalo oo Khamri ah , kadibna intaan suuliga ku qubo ayaan dabadeedna miiska saartaa wax kabasho dhan oo haraa ah , haddiiba ay dhacdo inay soo galaan nagad sugidda moogaantay.

Waxaan maareeyay inaan la xariiro Shirkaddii qaadatay Qandaraaska oo la yiraahdo Netafim anigoo ah Negarada Argantina, waxaan ula tagay Tusmada dhul beereed baaxad leh oo kuyaalla Gobolka La Pampas oo 790 KM u jira Xarunta Argantia , Bonos Ayres , dhulkaas oon sheegay inaan leeyahay ahayna Taajir doonaya in loo sameeyo waraab casri ah , ayagoo isoo dhawaynaya ayaa la iskaaya baray Injineerka biya galinta ka samayn doona Itoobiya oo madaw aan isla nahay , waxaan maalin walba dhawr jeer Telifoon u diraa Sarkaal ka tirsanaa NSS ta uuna talisku Fadhiisiyay Magaalada San Luis oo aan ka fogayn ‘’Beertayda’’ Gobalka ay ku taallo .

Markaan 12 maal mood wada hadal kula jiray shirkadda waxaan dhaliyay 3 gool, anigoo maaggan inaan 2 kale ku daro ayuu ii sheegay sarkaalkii San Luis joogay in beertii uu cayayaan galay ayna halis ku jirto haddii aan si dhaqso ah loo dawayn , inaan la iga maar maynna wuu ii sheegay , dabcan hadalkaas wuxuu ahaa inay dhici karto in la iga shakiyay markaa inay tahay inaan durba dhoofo sidii ayaana yeelay jidkii dheeraa ee hoyashada ayaan u biyo dhaan saday anigoon ka xumayn inay laba gool ii hartay , Safakii iigu adkaa , shaqadii ugu halista badnayd iyo waxay ahayd socdaalkii ugu horeeyay een ku tago Israa’iil wuxuuse ahaa marika 9 socdaal oo aan ku tagay gadaashii , wuxuu ahaa bilowgii socdaal dheer oo nafo badan galaaftay.

Xoriyaddu waa Ubax , haddaan laga dhawrin cayayaanka ayaa dal dalool u yeella , haddaan dhiig loo daadina …………… . Guriga nabad lagama dareemo hadduusan jacayl dhaba jirin .

Xasuustii F. Xiirane

Sarkaal (N.S.S 1976 – 1991)

fahiira@gmail.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Axmed Godane, Ninkii nolosha lagu arki waayay oo hadda lasoo bandhigey
Waa kuma Mukhtaar Rooboow ?
Abuu Mansuur oo dowladda kusoo biiraya
Dalalka Khaliijka “Qatar waa in ay xirtaa Aljazeera iyo saldhiga Turkiga”
Geeridii Aw Libaax oo gilgishey Jubbaland