Tartanka ciyaaraha Gobollada oo waayo cusub furay

Published: July 24, 2016

Kn: Ciyaaraha Gobollada ama ciyaaraha dowlad gobaleedyada magac kasta oo loogu yeero waxaa cad; oo ah wax lagu faano in isbuuc gudahii ummadda Soomaaliyeed maskaxdooda uwada jeesato hadal hayn ay rubuc qarni ka hor ugu dambeysay.

Hadal heyntii ahayd ‘doorashooyinka 2016’ ‘musharax hebel’ waxaa bedelay ‘yaa badiyay’ ‘kulanku waa meeqa Sac’ iyo ‘kooxdee badisay’ yaa se haray’ waxaa meel walba oo Soomaali joogto kasoo yeeraya dhiirigelin loo sameynayo in la sii wado dadaallada hormarinta arrimaha bulshada gaar ahaan ciyaaraha.

Tan iyo intii uu ka furmay garoonka Koonis, tartankan waxaa uu sii yeelanayay xiiso gaar ah iyo ugu dambeyntii hadal heynta iyo shaashaada warbaahinta Soomaalida ay ku leexato. Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa isasoo tarayay daawadaayaasha soo xaadirayay tarabuunka Koonis oo u sacabba Tumaya kooxda ay kala taageerayaan.

Wareeggii 2-aad ayaa la soo gabagabeeyay waxaana hada lagelayaa wareeggii ugu dambeeyay oo ay kulanka kama dambeysta ku tartamayaan Jubbaland iyo Puntland.

Goormaa kuugu dambeysay Siyaasi Soomaaliyeed oo magaalo ugu duulaya inuu ciyaar kaliya soo daawado isagoo siyaasad xaga iska dhigay?

Waa wax aad Soomaalida ugu cusub xaqiiqdii, waxaa la arkayaa taageerayaal isku diyaarinaya inay iska xaadiriyaan garoonka Koonis si usoo daawadaan kulanka la wada sugayo ee u dhaxeeya maamullada Jubbaland iyo Puntland, taageerayaashan ayaa isigu jira siyaasiyiinta dhallinyaro iyo dhammaan qeybaha kale ee bulashada.

Isboortiga oo la hormariyaa waxaa ay abuureysa isdhexgal bulsho oo sahasha wada noolasho nabadeed, dhallinyarada oo la dhiirri geliyaana waxaa ay ka yareynaysaa inay ku fikiraan waxyaabaha xunxun ee khatarta gelin kara naftooda.

Ciyaaraha gobollada sanadkan waxaa ay iftiimiyeen in loo baahanyahay in ciyaaraha la hormariyo waxaana maamullada ay ballanqaadeen in dhinacwalba laga hormarin doono iyadoo la kaashanayo xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Kulanka kama dambeysta ah waxaa lagu ballansanyahay in la ciyaaro maalinta Talaadada ah 26-da Luulyo 2016. Gegada waa Koonis, wakhtiguna waa 3:30 galanimo wakhtiga geeska Afrika.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Madaxweyne Farmaajo oo boggaadiyey bandhigga buugaagta Kismaayo
Carwada Buugaagta Kismaayo oo maalintii koowaad gashay
Bandhigga Buugaagta Kismaayo oo bari furmaya
Farmaajo oo qaabiley Axmed Maxamed Islaam
Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo ay maalgashanayaan bangiyo Kenya ku yaala