Bandhigga Buugaagta Garoowe: Madaxweyne Cabdiwali Gaas oo si rasmi ah u daahfuray

Published: July 28, 2016

Kn: Madaxweynaha Puntland Abdiwali Maxamed Cali Gas ayaa furey bandhigga waxaa ayna si wadajir ah uwada furey wasiirka waxbarashada bandhiggan oo saddex maalmood ka socon doona Magaalada Garoowe Caasimadda dowlad gobaleedka Puntland.
GIBF7

Boqollaal qof oo isugu jira abwaanno iyo qalinley ayaa ka soo qayb galay bandhigga buugaagta ee Garoowe ka fumay manta.

Illaa 572 buug oo isugu jira qaamuusyo, buugaagta sheekooyinka carruurta, gabayo, sheekooyin ka hadlaya dhaqanka iyo buugaag heer caalami ah ayaa lagu soo bandhigay.
Bandhigga buugaagta waxaa agaasimkeeda iska kaashaday Hay’adda Hormarinta iyo Cilmi barista (SIDRA) iyo madbacadda SCANSOM.

Marti ajinabi ah oo Af Soomaaliga bartay oo qoray ayaa ka soo qaybgalay munaasibadda oo halkaasi qutbado ka jeediyay waxaana kamid ahaa Prof Lidwien E Kapteijns oo qoray buug hadlaya qabyaaladda, Dr. G. Kapchits oo udhalatay Ruush.

Guuleed Saalax Barre agaasimaha hay’adda SIDRA ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay furitaanka bandhigga taariikhiga ah ee ay inta badan maalgeligay dowlad gobaleedka Puntland.

Abwaanka weyn ee Soomaaliyeed Axmed Cali Idaaja ayaa kamid ahaa abwaannad ka soo qaybgalay isagoo halkaasi kusoo bandhigay labo buug oo cusub oo uu isaga qoray.

Bandhigga noocaan oo kale ayaa horey uga qabsoomay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Bandhiggan ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo maalinta Axadda ah 31-da Luulyo 2016.
GIPF6

GIBF

GIBF1

GIBF2

GIBF3

GIBF4

GIBF5

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Abshir Bukhaari oo loo doortey guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare
Yaxye Jaamac oo ka huleeley Gambia
Cabdi Xaashi oo loo doortey guddoomiyaha Aqalka Sare
19 Agaasimayaal guud oo lasoo dhajiyey Jubbaland
Jawaari oo musharixiinta madaxtinimo qalbiga u qaboojiyey