Rejadu yayna kaa xumaan!!

Published: July 28, 2016

Kn: Aadanuhu waa geedi keynaan kujira, maalmuhuna waa girraan wareegsan oo aan soo daba dhammaanin, waayahuna waa silsilad is daba taxan oo meel walba ka guntan. qof walboo adduunka ku noola waxbuu goconayaa gaadh ayuuna isleeyahey, waana guul haybis aan gallina dhinaca dhulka dhigin ilaa iyo intuu ka gaadhaayo hadafkiisa, waxuu saadaashadaa wanaag iyo saansaan fiican oo ah inuu hanan doono waxuu ku fikiraayo, qofkaasi habeenkii waxuu dabaashaa mowjado riyo ah oo uu ku arkaayo isagoo gaadhey waxuu rabay, maalinkii oo idil maankiisa waxaa iftiimiya “REJO” waxuu ku raaxaystaa riyadii reexaanta udgoon laheyd ee uu xalal arkey; markaas ayuu hadana guntiga giigsadaa [dhuuqsadaa].

Intuu farxo ayaa maankiisa waxaa ka baxa hilaac hirrar barwaaqo muujinayaa, waxuu isku dayaa inuu furo guntin walba oo waayaha noloshiisa kaga hortimaada isagoon maraba is niyad jabin.

Wuu samraa oo wuu adkaystaa, rajadaas waxuu ku biiriyaa dadaal badan oo waxuu fantaa [fuullaa] darbiyo dhaadheer wuuna ka gudbaa isagoo go’aan adag wata, waxuu ka fogaadaa dadka hanjabiya ee dhaha waxaan ma helaysid, masamayn kartid sidaan, hadafyo cadcad oo dulqaad lagu ladhayna maanka ayuu ku sitaa, dadka kuwooda saadaasha xuna intuu hadalkooda dhagaysto ayuu dhagaha ka furaystaa oo intuu dhoosha ka qoslo dhahaa “wallee anniga ima niyad jabisid. waayo rajada iyo dadaalka aan isku kabay inay hirgalayso ayaan aaminsanahey, wayna ii dhab noqon doontaa Insha Allah.” qofkaasi maalin ayuu guulaystaa arkaana dadaalkiisa iyo rajadiisa midho dhallkeedii helaa.

Haggaag. Adigu maxaad rejaynaysaa? Bal ii sheeg! Maxaadse ku haminaysa ood rabtaa inay run kuu noqdaan? Sodon il-biriqsi bal adoo raali ah indhaha intaad isku qabato rajadaadu waxay tahey iisheeg…

Ina adeer waxba sidaas ha u fikirin annigaa kuu sheegaaya waxaad rajaynayso. Waxaad rajaynaysaa inaad aragto shantii soomaaliyeed oo midoobey oo calanka boqran ee midabka buluugga ah astaan uyahey hal madaxweyne oo shacabku doorteena hoggaaminaayo dalkii oo dhismay oo loosoo dalxiis tagaayo dowlad shacabka xuquuqdiisa dhowrta oo xaqa muwaadiniinta ilaalinaysa.

Musuqmaasuqii, qabyaaladii, siyaasigii hanka gaabnaa, damaacigii shisheeye, oo intaba daaqada ka baxay. Madaxweynaha dalka hoggaamiya iyo midka beeralayda ahina isku xuquuqyahiin, dadkii oo gacmaha is haysta oo wax dhisid iyo hormar mooyee wax walboo xun iska daayey, sharcigii ilaahey soo dejiyayna lagu maamulaayo.

Caddaan iyo madoow oo dalkeenii iyagoo qaxooti ah kusoo qulqulaaya, oon leenahey dib u dajintu way idinka buuxsantee dalka nooga noqda,

Soomaaliya oo yeelatey quwad ciidan oo aad u xoog badan, cadawgeediina uu hanjabay noqdayna markuu arko ciidanka xooga dalka, sidii bakayle cararkiisa mooyee aan aayar socodkiisa la arag, warshadahii dalka oo dib u howl-galay, tabcashada beeraha oo loo baratamaayo,

Xoolaheenii oo barwaaqo la dararrey ciirtii lo’deena iyo subaggeedii oo warshado loo sameeyay, wax soosaarkeenii aad u sarakacay, innagoo ka sara maray wadamada ugu dhaqaalo badan badan caalamka.dugsiyadii waxbarashada oo lacag la’aan lagu dhiganaayo, Ciyaarahii oo tartamo qurxoon loo qabanaayo, xulka qaranka soomaaliya oo kusoo guulaystay koobka qaramada afrika iyo kan adduunkaba, wadamada isku sheega qaramada midoobey oo gacanta ina hoos dhiganaaya caawinaadna ina waydiisanaaya,

Wax walba oo naftaadu iyo dadkaagu ku degayaanba oo aad heshay, xasillooni nabadeed oo aadan maqlaynin qaraxbaa dhacay iyo qofbaa la dilay oo dalkii ka dhallatey,

Cajiib! Haye hada ma faraxdey rajo maku gashay? Waan gaadhaynaa haddaba hadii aad adigu diyaar u tahey kana shaqaysid midaas, waayo muwaadin waajibku adiguu ku saaranyahey. Sarreysiinta naftaada iyo bulshadaadana horseedi kara, waa markaad noqoto samasheeg ka qofkastoo bulshadiisa kamid ah wanaaga ku dhiirigaliya.

Waxba ha hanjabin hadalkaygu hadaaq ma ahee waan gaadhayna halkaan soo tilmaamey ee adigu rajo yeello walaal iskuna day yagleelida aayo wanaagsan. Adigoon wax dhaliilayn waxse dhiiri galinayaa, u istaag hada hormarinta naftaada iyo bulshadaada, haddaba noqo qof [Alaal] ah oo dhiiran cabsida iyo kayaabkana iska saar, shakiga iyo walaacana intaad beeniso, kasoo muuqo kaalintaada, Rejee oo jecloow mustaqbalkaaga ifaaya.

*Alaal: Qof dhiiran oo wax walba la qabsada
himilo

W.Q: Cabdishukri Haybe Kilaas [Cabdishukri Himilo]

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Axmed Godane, Ninkii nolosha lagu arki waayay oo hadda lasoo bandhigey
Waa kuma Mukhtaar Rooboow ?
Abuu Mansuur oo dowladda kusoo biiraya
Dalalka Khaliijka “Qatar waa in ay xirtaa Aljazeera iyo saldhiga Turkiga”
Geeridii Aw Libaax oo gilgishey Jubbaland