Nin 30 qof diley oo laga qabtay deegaanka KM50

Published: December 28, 2016

Kn: Ciidamada nabad suggida qaranka ee NISA ayaa soo bandhigey nin lagu eedeynayo dilka 30 qof oo shacab ah iyo dhaawaca 50 kale kadib markii uu qarax uu gaari ku qarxiyey dekada weyn ee Xamar horteeda.

ninka-lagu-eedeeyey-qaraxii-dekada

Ninkani oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim Xasan ayaa laga qabtay deegaanka KM50 ee shabeelada Hoose kadib hawlgal baaritaan ah oo halkaasi laga fuliyey.

NISA waxa ay sheegtey in ninkani uu ahaa kii waday gaarigii qarxay, islamarkaasina dhigey meeshii uu ku qarxay, kadibna uu magaalada ka baxsaday.

Inkasta oo dhacdooyinka qaraxyada ay wali jiraan hadana waxa guulo waaweyn laga gaaray xagga dabogalka iyo soo qabashada dadka falalka geysta.

Kiiska ceynkan oo kale ah waxaa qaada maxkamadda ciidamada , waxaana inta badan dib laga ogaadaa marka uu xukunka dhacayo, taasoo inta badan ah dil ama xabsi dheer.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Puntland iyo Koonfur Galbeed oo barbar-dhac noqday
Haweenka Kismaayo oo shir nabadeed loo qabtay
Qarixii Muqdisho, tirada dhimashada oo korortay
Cabsi loo baajiyay ciyaartii Jubbaland iyo Galmudug
Haweenka oo ku qaday xukuumadda Muuse Biixi