Diyaaradaha Zambia oo weerar cirka ah ku qaaday cayayaan

Published: December 29, 2016

Kn: Waxaad maqli jirteen ciidamada cirka dal hebel oo duqeeyey dal kale ama ciidamo dawladda kasoo horjeeda, balse haatan dalka Zambia ciidamada cirka waxa ay hawada ka rusheynayaan cayayaan faro ba’an ku haya dalkaasi.

ciidamada-cirka-zambia

Madaxweynaha dalka Zambia Edwar Lungu ayaa amar ku siiyey ciidamada cirka ee dalkaasi in ay ka qeybqaataan olole balaaran oo lagu cirib tirayo cayayaan halakeeyey dhulbeereedka dalkaasi.

Cayayaanka ayaa galay beelaha galayda ee dalkaasi, wuxuuna awood u leeyahay in markaliya baabi’iyo dalagyada beeraha oo dhan, gaar ahaan galayda.

Diyaaradaha dagaalka ayaa waxa ay qaadayaan sunta cayayaanka oo dusha looga rusheynayo beeraha, waxayna gacan siinayaan wasaaradda caafimaadka oo kooxo wax buufiya oo tiro badan u dirtey dhul beereedka.

Dalaga beeraha ayaa waxa uu ka midyahay xasiloonida dal kasta oo adduunka ka mid ah, dawladuhuna waddo kasta ayay u maraan in ay difaacaan wax kasta oo halis ku ah beeraha, xitaa haddii ay noqon lahayd in awood military loo adeegsado.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Dhaawicii Suudaan la geeyay oo mooraal jab kadib salka dhigay
Zoobe oo dib loo dhisay magacana laga badalay
Al-Shabaab oo sheegtay dilkii xildhibaan Tima Farasle
Garisa oo dhiiga loo shubay Xamar
Deg-deg: Masuul goordhaw lagu dilay Kismaayo