Farmaajo oo ololahiisa ka bilaabay xildhibaanada Jubbaland

Published: December 29, 2016

Kn: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo musharaxa madaxweynenimo ayaa shalay Hotel Jazeera kula kulmay 51-ka xildhibaan ee laga soo doortey deegaan doorashadeedka Jubbaland.

farmaajo-iyo-jubbaland

Farmaajo ayaa magaalada Muqdisho kulankiisii ugu horeeyay kula yeeshay xildhibaannada labada aqal ee laga soo doortay magaalada Kismaayo, isaga oo sharaxaad ka siiyay damaciisa siyaasadeed iyo wax yaabaha u qorsheysan in uu qabto hadii uu xilka ku guuleysto.

“Waxaan rabaa in aan idin sheego dalka uma baahna siyaasad aan hiil u aheyn bulshada, waxaan u baahan-nahay in aan ka dhabayno dhaarta aan dalkan u marnay, waa in aan dhowrnaa dastuurka dalka iyo xeerarka caalamig ah, waa in aan la macaamil-naa aduunka iyo Dowladaha dariska ah”ayuu yiri Musharax Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

“Waxaan u baahannahay in aan dadajino dhismaha ciidan Qaran oo awood badan leh, si looga adkaado kooxaha xagjirka ah, waxaan ku kalsoonahay in aan ahay shaqsi ay dhab ka tahay noolaynta iyo tayaynta noocyada ciidamada Qaranka iyo hay’adaha nabadgalyada dalka” Sidaasi waxaa yiri Musharax Farmaajo.

Xildhibaanada Jubbaland ayaa ah kuwa illaa iyo hadda ugu abaabulan baarlamaanka, waxana ay samaysteen kudlad ay ku mideysanyihiin, waxayna aad ugu badantahay in codkooda uu hal meel wada maro.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Dhaawicii Suudaan la geeyay oo mooraal jab kadib salka dhigay
Zoobe oo dib loo dhisay magacana laga badalay
Al-Shabaab oo sheegtay dilkii xildhibaan Tima Farasle
Garisa oo dhiiga loo shubay Xamar
Deg-deg: Masuul goordhaw lagu dilay Kismaayo