Frelimo iyo Renamo oo rabshadahoodii dib oga biloowdeen Muzambique

Published: December 29, 2016

Kn: Dalka Mozambique ee dhaca Koonfurta Afrika waxaa kasoo cusboonaadey rabshado u dhaxeeya jabhaddii talada dalkaasi qabsatay ee Frelimo iyo tii dagaalka sokeeye looga adkaaday ee Renamo 30 sano ka hor.

frelimo-iyo-renamo

Dalkani oo xaalad degenaanshiyo iyo horukac heley sanooyinkii badnaa ee lasoo dhaafay tan iyo intii laga heshiiyey dagaalkii sokeeye ayaa hadda waxaa lagu soo waramayaa in qalalaase uu dib oga qarxay, kadib markii Frelimo lagu eedeeyey in ay fulin weysey heshiiskii, islamarkaasina ku tumatay xuquuqda dadka ay matalayso jabhadda Renamo.

Kumanaan qof ayaa rabshadahani ka barokacay, waxayna u talaabeen dalalka Malawi iyo Zimbabwe ee dariska.

Wararka waxa ay sheegayaan in Renamo ay miyiga ku jabhadayneysaa dhulka miyiga ah halkaasi oo ay waddooyinka waaweyn ka geysanayso weeraro ay ku qaadayaan kolonyada baabuurta ciidamada Muzambique.

Dhanka ciidamada dawladda ayaa iyagana lagu eedeynayaa in ay shacabka dhibaateynayaan iyaga oo ku eedeynaya in ay ka tirsanyihiin Renamo.

Dagaalada sokeeye ee gudaha Afrika ayaa iska soo yaraanayay 20kii sano ee ugu dambeeyey, balse meelaha qaarkood ayay kolba kasoo cusboonaadaan.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Kismaayo oo ka danqatay xasuuqii Xamar
Turkiga oo 10 million ku shubay bangiga dhexe ee Soomaaliya
Easliegh oo dhiig bixintu ka socoto
Dhaawacyo loo qaaday dalka dibaddiisa
Ra’iisul wasaare Kheyre, waxaan ku baaqayaan inaan isu gurmano