Xiriirka K/Cagta Soomaaliya oo ka hadlay horyaal ka bilaabanaya Jubbaland

Published: December 29, 2016

Kn: Xoghaya Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Cabdiqani Saciid Carab ayaa sheegay in Horyaalkii ugu horreeyey ay ka bilaabi doonaan ilaa siddeed kooxood oo laga kala dhisay Maamul goboleedka Jubbaland halkaasoo uu xiriirku ka saacidayo dhismaha kooxahaasi.

Xoghayaha Xiriirka Kubadda Cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa faahfaahin ka bixiyey muddada ay u qorsheeyeen inuu socda Horyaalka Kubadda Cagta maamul-goboleedka Jubbaland , taasoo ah mid afartan sano kaddib ka billaabanayo maamul goboleedkaasi.

“Waa Horyaal u gaar ah Jubbaland, waana markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya oo horyaal noocaan oo kale ah laga billaabo maamul goboleedka, iyadoo uu socon doono muddo afar ilaa shan bilood ah”.

Xoghayaha xiriirka Kubadda Cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa sheegay in Cayaarahan ay ka hirgelin doonaan maamul goboleed kasta oo dalku leeyihiin, wuxuuna rumeysan yahay iney kaalin ka qaadan doonto tayeyn cayaaraha dalka, gaar ahaan horumarinta Xulka Qaranka Soomaaliyeed.

“Cayaaraha dalka horumarintooda ayuu door ku leeyahay, mana saameyn doonto ciyaarihii kale ee dalka laga qaban jiray sida kuwii maamul goboleedyada ay caasimada isugu imaan jireen iyo horyaalkii guud ee dalka”.

Soomaaliya ayaa guulo waaweyn ka soo hoyinin cayaaraha caalamka, waxaana qubarada Isboortiga ay marar badna ku taliyeen in la ballaariyo cayaaraha dalka taasoo wax ka tareysa tayada kooxaha iyo xulka qaranka dalkeena, waxaana la rumeyan yahay qorshahan cusub ee uu billaabay xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed iney tahay billow fiican oo rajo galineysa cayaartoyda iyo guud ahaan taageerayaasha Soomaaliyeed.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Kismaayo oo ka danqatay xasuuqii Xamar
Turkiga oo 10 million ku shubay bangiga dhexe ee Soomaaliya
Easliegh oo dhiig bixintu ka socoto
Dhaawacyo loo qaaday dalka dibaddiisa
Ra’iisul wasaare Kheyre, waxaan ku baaqayaan inaan isu gurmano