Mas’uul lagu dhex toogtey Villa Soomaaliya

Published: December 31, 2016

Kn: Askari tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa goor dhaw ku dilay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya taliye ku-xigeenkii ilaalada madaxtooyada oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Qoorgaab.

Villa Somalia

Waxaa sidoo kale toogashada sarkaalka ku dhaawacmay askar kale oo ka tirsanaa ciidamada sida ay warbaahinta u sheegeen dad ka agdhawaa halka falka dilka ah uu ka dhacay.

Ciidamada nabad-galyada ayaa markiiba gacanta ku dhigay askariga toogashada geystay oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn sababta uu u dilay sarkaalka.

Ma jiro wali wax war ah oo ay arintan ka soo saareen laamaha amniga dowladda, gaar ahaan madaxtooyada Soomaaliya oo uu ka tirsanaa.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay