Alshabaab oo heshiiskii oga baxday beesha Cawrmale, odayaashiina xirxirtey

Published: January 1, 2017

Kn: Ururka Alshabaab ayaa heshiis been ah ku shirqooley odayaal ka tirsan beesha Cawrmale oo ugu tagay in ay xarakada la galaan heshiis Xabad Joojin ah.

Wararka nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Alshabaab ay xirxirtey dhammaan odayaashii, islamarkaasina sheegtey in dhaqancelin loo fidin doono.

Alshabaab ayaa sheegtey in aysan jirin wax heshiis ah oo ay beeshani la galayso , islamarkaasina xoolihii laga dhacay aanan loo celin doonin.

Dhanka kale Dawlad goboleedka oo kasoo horjeedey in beesha ay wax heshiis la gasho kooxaha Argagixisada ayaa sheegtey in dadkii jabiyey go’aankii dawladda ee wadahadalka aaday loo aqoonsaday dad gacansaar la leh kooxaha argagixisada, kana soo horjeeda dawladnimada.

Ciidamada Jubbaland ayaa wali ku sugan deegaanada Cabdalla Biroole iyo dhul kale oo miyi ah, halkaasi oo wali ay socdaan hawlgalada gurmadka iyo kan shacabka barakacay loogu gargaarayo.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cabsi loo baajiyay ciyaartii Jubbaland iyo Galmudug
Haweenka oo ku qaday xukuumadda Muuse Biixi
Labada Gole ee baarlamaanka oo isku murugsan
Xarun boolis oo Muqdisho lagu qarxiyay
Mukhtar Roobow oo Kismaayo gaaray