Guudmar: Guulihii ugu waaweynaa ee 2016 iyo Himiladda,aragtidda 2017 ee Dowlad Goboleedka Jubbaland

Published: January 1, 2017

Kn: Shirka Golaha Wasiirada ee koowaad ee sannadkan 2017 waxa lagu falanqeeyay waxyaabihii u qabsoomay sannadkii hore ee 2016 iyo himilada xukuumadda ee sannadkan (2017).

Sannadkii 2016 waxa xukuumadda u qabsoomay arrimo badan oo ay guul ka soo hoysay. Kuwaas haddii an si kooban u xusno:

1. Dhammaystirka dib u heshiisiintii reer Jubbaland.
2. Marti galintii iyo ka miradhalintii shirarka Madasha Qaranka Soomaaliyeed.
3. Dhisidda xukumaddii ugu horraysay ee aan ku meel gaar ahayn ee Dowladda Goboleedka Jubbaland.
4. Xorayntii deegaanno horay gacanta cadowga ugu jiray.
5. Tababaridda ciidamadda nabadgalyadda qaybahooda kala duwan.
6. Adkaynta amniga deegaannada ku jira gacanta Dowladda Goboleedka Jubbaland.
7. Baahinta iyo daadejinta maamulka dawladda ee heer gobol iyo degmo.
8. Ka qayb qaadashada hirgelinta doorashaddii dadbanayd ee baarlamaanka qaranka Soomaaliyeed, anagoo noqonay dowlad goboleedkii ugu horaysay ee kusoo gababaysa si guul iyo sharfi ku jirto.

Himiladda Xukuumadda 2017.

Sannadka cusub ee 2017 waxa Dowlad Goboleedka Jubaland u qorshaysan in ay fuliso hawlo muhiim ah oo aan ka soo qaadan karno:

1. Xoraynta deegaanadda Dowlad Goboleedka Jubaland ee ku jira gacanta cadowga argagixisadda iyo la dagaalanka dhammaan fikraddaha xagjirka ah.
2. Ka qayb qaadashadda soo celinta sharaftii iyo midnimaddii ummadda Soomaaliyeed.
3. La dagaalanka musuqmaasuqa , laaluushka, qabyaaladda iyo maamul xumada.
4. Dhiirigalinta doorasho xor ah oo ka madaxbanaan wax is dabamarin iyo ku shubasho.
5. Horumarinta dhaqaalaha, kobcinta iyo midaynta dakhliga ee dawladda Jubbaland.
6. Dhammaystirka iyo xoojinta maamulka hay’adaha dowliga ah.
7. Ilaalinta, ku dhaqanka iyo meel marinta xeerarka iyo shuruucda u yaalla dowlad goboleedka Jubaland.
8. Dhisidda guddiyada iyo xafiisyada madaxabanaan ee dastuuriga ah sida: Guddiga Adeegga Garsoorka, Guddiga Dhulka, Guddiga Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo gudiyadda kale ee la midka ah.
9. Dib u soo celinta iyo dajinta qaxootigii wadanka dib ugu noqonaya.

Gunaanad:

Waxaannu umadda Soomaaliyeed Ilaahay uga baryaynaa in doorashada dawladda qaranka ee lagu guda jiro ay ugu dhammaato guul iyo is afgarad. Taas oo ka madaxbannaan musuqmaasuq, laaluush iyo wax is daba marin. Sidoo kale waxa aannu beesha caalamka ugu baaqaynaa in ay si dhab ah gacan gacan wax ku ool ah ka geysato la dagaalanka argagixisada iyo xoojinta hay’ adaha dawliga ah.
Ugu dambayn waxa aannu ugu baaqaynaa xukuumadda cusub ee la dhisi doono in ay ku shaqayso caddaalad, si siman u qaybiso deeqaha, kana talo geliso dawlad goboleedyada habka loo wadaagayo khayraadka.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Anisa C/Qaadir oo hadal aan daw ahayn ku tiri Xasan Sheekh
MSF oo Soomaaliya kusoo laabanaysa 5 sano kadib
Uhuru Kenyatta : Xilka waan ka dagayaa haddii la iga guuleysto
Moowliid Guhaad oo dhamaystirey awood qeybsiga beelaha
Doorashada Madaxweynaha oo aanan wali la hubin xiliga ay dhacayso