Nadiif Jaamac oo wadada loo xaaray

Published: January 2, 2017

Kn: Beesha uu ka dhashay Nadiif Jaamac, gobernatooraha Gaarisa ayaa mar kale u ogolaatay inuu u tartamo xilkaa gobernatoorenimo doorashada sanadkaan 2017.
Nadiif Jaamac
Doorashada guud ayaa waxaa lagu wadaa inay dalkaan Kenya ka dhacdo bisha Agoosto. Doorashadaa ayaa la dooran doonaa madaxweynaha, xildhibaanada labada aqal iyo gobernatooreyaasha degmooyinka.
Beesha uu ka dhashay ee cawlyahan ayaa markii labaad u ogolaatay inuu Mr. Nadiif Jaamac u tartamo xilkaa Sebtidii aanu soo dhaafnay.

Kadib shir odayaasha beeshaasi ku yeesheen hoteel kuyaala magaalada Gaarisa ee degmada Gaarisa ayaa Suldaan Xaamud Sheekh oo beeshaa ah uu sheegay in dhammaan sagaalka jifo ee beel weynta Cawlyahan ay isku waafaqeen inay ku taageeraan Nadiif Jaamac inuu xilkaa u tartamo marka labaad.

Sagaalkaa jifo ee beesha Cawlyahan ayaa kala ah Reer Cali [sidoo kalena loo soo gaabsho Cali], Afgaab sidoo kalena loo yaqaano Reer Afgaab, Aadan Kheyr, Wafata, Hawis, Soonqad, Abakorade, Qaasim, iyo Afwah.

Wuxuu intaa ku daray Suldaan Xaamud Sheekh in uu Mr. Nadiif ku dadaalay sidii nabadda looga shaqeyn lahaa.

Suldaan Xaamud Sheekh ayaa sheegay in beeshu niqaashi doonto murashaxiinta xilalka kale u tartami doona kuwa ay yihiin.

‘Waxaanu ka codsanaynaa dadka deggan Gaarisa inay Nadiif Jaamac u codeeyaan waxaana u xaqiijinaynaa nabad buuxda iyo kheyraatka oo si siman loo wadaago sidii horeyba u dhacday’. Sidaa ayuu yiri Suldaan Xaamud Sheekh.

Si kastaba, hoggaamiyeyaal ku kulmay dhawaan Nairobi ee isla beesha Cawlyahan ah kuwaasoo ay weheliyeen hoggaamiyeyaal kasoo jeeda beesha Samawadhal ayaa soo jeediyay in Cali Qorane uu xilkaa u tartamo.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cabsi loo baajiyay ciyaartii Jubbaland iyo Galmudug
Haweenka oo ku qaday xukuumadda Muuse Biixi
Labada Gole ee baarlamaanka oo isku murugsan
Xarun boolis oo Muqdisho lagu qarxiyay
Mukhtar Roobow oo Kismaayo gaaray