Sheekh Shariif oo si hab-maamuus leh Kismaayo loogu soo dhaweeyey

Published: January 4, 2017

Kn: Dhammaan astaamihii soo dhaweynta madaxda ee hab-maamuuska ah ayaa Kismaayo loogu soo dhaweeyey madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

shekh-shariif

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa diyaarada hoosteeda ku qaabiley Shariif, iyada oo ay salaan u saareen cutubyo ka tirsan ciidamada Jubbaland.

Sheekh Shariif ayaa kismaayo u tagay sababo la xiriira ololahiisa doorasho, waxaana magaalada ugu dambeysey sanadkii 2006-dii, xiligaasi oo uu ahaa guddoomiyihii maxaakiimta islaamiga.

Sheekh Shariif ayaa waxa uu la kulmi doonaa guddi ay leeyihiin xildhibaanada Jubbaland laga soo doortey, waxana booqashadani ay sare u qaaday rajada uu ka qabo in uu markale dalka hoggaanka u qabto.

Shariif iyo Axmed ayaa ah rag saaxiibo ah oo horey usoo wada shaqeeyey, balse waxyaabo badan u kala dambeeyeen intii ay ismoogaayeen.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Farmaajo, nabadoon Soomaaliyeed baan rabaa inaan noqdo
Soomaalida Norway oo mahad-celin u jeedisay Turkiga
18 dal oo dhaqaali uruurin laga bilaabay
Dawladda oo shaacisay khasaaraha nafeed ee qarixii Zoobe
Dhaawicii Suudaan la geeyay oo mooraal jab kadib salka dhigay