Baarlamaanka Galmudug oo fasaxa loo kordhiyey

Published: January 7, 2017

Kn: Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug Cali Gacal Casir oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa fasax kordhin u sameeyay xubanaha baarlamaanka Galmudug, wuxuuna hadalkani jeediyey xili maanta kalfadhi kalsoonida lagala noqonayo lagu qaban lahaa magaalada Cadaado, halkaasi oo xildhibaanadii ay hor istaageen ciidamada madaxtooyada Galmudug.

cali-casar

Guddoomiyaha ayaa warbaahinta u sheegay in sababta fasaxani yahay Abaaraha ba’an ee ka jira degaannada Galmudug iyo doorashada madaxda dalka ee dhawaan la filayo iney dalka ka dhaco.

Guddoomiyaha ayaa xubnaha baarlamaanka saxaafadda u mariyay fasax 45 cisho ah oo ay galayaan xubnaha baarlamaanka Galmudug, waxa uuna yiri:

“Saakay oo ah Sabti bushuna ay tahay 7 bishii January, waxaan media-ha ugu yeeray in aan uga faa’ideysto warbaahinta uga diro xildhibaannada dowlad goboleedka Galmudug , waxaan soo saary warqad u jeedadeeduna ay tahay in baarlamaankii dowlad goboleedka Galmudug aan ugu kordhiyo(fasixii) 45 cisho”, ayuu yiri guddoomiye Casiir

Fasaxan cusub ee xubnaha baarlamaanka Galmudug ayaa ka bilaabanaya 5 January kuna eeg 20 February ee bisha soo aaddan.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Waa kuma Mukhtaar Rooboow ?
Abuu Mansuur oo dowladda kusoo biiraya
Dalalka Khaliijka “Qatar waa in ay xirtaa Aljazeera iyo saldhiga Turkiga”
Geeridii Aw Libaax oo gilgishey Jubbaland
Koonfur Galbeed oo heshiis la gashay shirkad ajnabi ah