Faarax Cabdiqaadir “Aniga 9 bilood kuma dhalan, 7 bilood ayaan ku dhashay”

Published: January 8, 2017

Kn: Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo u taagan xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka oo hadal-jeedintiisa sameynayay ayaa ka sheekeeyey taariikh nololeedkiisa iyo qorshihiisa waxqabad.

Faarax Cabduqaadir

Balse markii uu hadalka dhameynayay ayuu yiri “Waxaa jira wax muhiim ah oon idinka hilmaamay markii aan ka hadlayay taariikh nololeedkeyga, ma idiin sheegaa”, kadib ayay xildhibaanada haa wada dhaheen.

“Aniga markii aan dhalanayay waxaan ku dhashay 7 bilood, qof kasta wuxuu lahaa intee ayuu sii noolaan karaa, aabaheey wuxuu qabay in aan 7 maalmood oo kaliya noolaan karo, balse hooyadey waxay tiri waxaan ka rajaynayaa in uu noqdo kii anfici lahaa dadkiisa iyo dalkiisa” ayuu yiri.

Faarax oo indhaha lagu wada hayo ayaa waxaa laga yaabaa in uu u duurxulayo ragga kale ee 9-ka bilood ku dhashay.

KismaayoNewss.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
21 Madfac oo loo ridey Farmaajo
Socdaalka Farmaajo ee Kenya oo hadal heyn badan dhaliyey
Nabad sugida Jubbaland oo guulo gaaraya
Taariikh nololeedka Ra’isulwasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed
Abuukar Baalle oo duulin doona madaxtooyada