Barack Obama oo khudbad sagootin ah ka jeediyey Chicago

Published: January 11, 2017

Kn: Madaxweynaha dalka Maraykanka ee waqtigiisii dhammaaday Barack Obama ayaa jeediyey khudbad uu ku sagootinayo xilkii uu mudada sideedda sanno ahayd uu hayey.

Obama ayaa khudbad xiiso badan ka jeediyey magaalada Chicago oo ah goob saldhig weyn u ahayd siyaasadiisa iyo xil ka qabashada Maraykanka.

Dhowr arimood ayuu kusoo qaaday khudbadiisa Obama oo ka mid yihiin sida Maraykanku u xoogan yahay xiligan uu xilka wareejinayo.

Sacabka iyo sawaxanka taageero ayaa laga maqlayey goobta uu madaxweynaha sii tagaya Obama uu ka khudbadeynayey, waxaana muuqatay inay taageerayaashiisu aad ula dhacsanaayeen hadalka Obama.

Madaxweyne Obama ayaa aad ugu celceliyey in loo baahan yahay in la mideeyo dad yowga Maraykan, isla markaana ay jirto kala qabysanaan baahsan.

Madaxweynaha hada la doortay ee Donald Trump ayaa xilka la wareegi doona 20 bishan janaayo ee aan ku gudo jirno, halka Obama uu baneyn doono xafiiska Oval ka oo uu muddo 8 sanno ah ma ariminayey.


KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cabsi loo baajiyay ciyaartii Jubbaland iyo Galmudug
Haweenka oo ku qaday xukuumadda Muuse Biixi
Labada Gole ee baarlamaanka oo isku murugsan
Xarun boolis oo Muqdisho lagu qarxiyay
Mukhtar Roobow oo Kismaayo gaaray