Prof. Jawaari oo markale loo doortey guddoomiyaha baarlamaanka

Published: January 11, 2017

Kn: Codbixin ay maanta u fariisteen baarlamaanka Soomaaliya ayaa wareegii koowaadba lagu kala baxay, waxayna guushu ku raacday Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari oo markale loo doortey guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

jawaari

Wareegii hore waxaa doorashada ku tartamay Prof Max’ed Cismaan Jawaari, xildhibaan C/rashiid Max’ed Xidig, C/fitaax Max’ed Geeseey iyo Idir Aadan Dhatar.
Guud ahaan tirada codeysay ayaa ah 259, halka labo cod oo ka mid ah ay xumaadeen.
Hadaba waxaa ay musharixiinta codadka u kala helleen sidan :
=
· Pror Max’ed Cismaan Jawaari [141 cod]
· C/rashiid Max’ed Xidig [ 97 cod ]
· C/fitaax Max’ed Ibraahim Geeseey [17 cod]
· Idir Aadan Dhakhtar [2 cod]

Ugu danbeyntii, waxaa natiijada ku dhawaaqay guddoonka KMG oo halkaa ka sheegay in Prof Max’ed Cismaan Jawaari mar kale noqonayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Farmaajo oo Cadaado ku hoyday
Xamar oo lagu soo toosay xoolo qalan oo dariiqyada waran
Sh. Umal oo Kismaayo ka degay
Galmudug oo Farmaajo si diiran u qaabishay
Axmed Madoobe oo la kulmay ducaaddii Kismaayo timid