Sharciga doorashada oo wax laga badalay

Published: January 11, 2017

Kn: Si aysan ka warqabin inta badan shacabka Soomaaliyeed, waxaa isbadal lagu sameeyey sharciga doorashada Soomaaliya, waxaana arrintaasi la ogaaday maanta markii ay dhacaysay doorashadii guddoomiyaha baarlamaanka.

Markii loo sharaxayay xildhibaanada qaabka doorashada ayaa waxaa loo sheegey in musharixii hela 139 cod uu ku guuleysanayo xilka guddoomiyaha, taasi oo ay ka buuqeen xildhibaanada.

Horey waxa ay u ahaan jirtey in sedex meelood labo meel uu helo musharaxa wareegga koowaad, halka wareega ugu dambeeya uun uu yahay cod dheeri.

Hadda waxaa dhacday in maalinkii la dhaarinayay xildhibaanada in laga saxiixay sharcigani cusub oo dhigaya in cod dheeri uu kusoo bixi karo musharaxa wareegga koowaad ama %50+1 .

Warar aan helney waxa ay sheegayaan in doorashada madaxweynaha ay sidii hore uun ahaan doonto, musharaxana looga baahanyahay sedex meelood codadka labo meel oo ka mid ah.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
21 Madfac oo loo ridey Farmaajo
Socdaalka Farmaajo ee Kenya oo hadal heyn badan dhaliyey
Nabad sugida Jubbaland oo guulo gaaraya
Taariikh nololeedka Ra’isulwasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed
Abuukar Baalle oo duulin doona madaxtooyada