Shirqool loo maleegayo Jiritaanka gobolada Jubaland?

Published: February 12, 2017

Kn: Waxaa maalmahan dambe soo badanaya dareen ka dhex aloosan golaha wasiirada Jubaland oo lagu maaggan yahay in golaha wasiirada la mariyo lagana ansixiyo qorshe lagu laalayo, laguna tirtirayo sadexda gobol ee Jubaland ka koobantahay sida Jubada Hoose, Jubada dhexe iyo Gedo. Qorshan ayaa qeexaya in degmo kastaayi goonideeda u madaxbanaanaato oo mid midda kale hoos tagtaayi aysan jirayn isla mar ahaantaana daaqadda lagaga saarayo gudoomiyeyaasha gobolada iyo waliba ahmiyadda uu gobolka ku fadhiyo.

Hawshan soo jeedinteeda waxaa sameeyey isla markaana soo diyaariyay xoogag iskor saaran waxaana laga leeyahay dano gaar ah oo aan hadda muuqan balse loo dhigayo iney maslaxo u tahay Jubaland. Haddaba maxay noqon kartaa maskaxda ka dambeysa iyo danta laga leeyahay in gobolo sharci ah oo xuduudo la yaqaan leh lasoo jeediyo in la tirtiro, xaggeese laga keenayaa fikirka noocan ah?

Dalka Soomaaliya waxaa la qaatay nadaam wadaag ah ( Federal) oo ka koobma dawlad dhexe iyo dawlad goboleedyo lagu xirey shardi ah in labadii gobol iyo ka badan ay sameysan karaan dawlad goboleed. Markii la dhiraandhirinayay nadaamka Federaalka iyo sameysinka dawlad goboleedyo ayaa doodda ugu badan ka dhalatay sidee la isku raaci karaa, yaase noqon kora dawlad goboleed. Nadaamka Federaalka ah ee dalku qaatay ( Ha joogto in la rabo iyo inkalee) waxuu hadda u sameysmey midka ku qoran Dastuurka KMG ah waana midka ay dawlad goboleedyada sameysmey sanadihii dambe lagu dhidbey.

Mar haddii la ogaa sidaas oo Jubaland oo ahayd dawlad goboleedkii ugu horeeyey ee askumey kadib 2012-kii laguna asteeyey saddex gobol oo leh xad iyo dagmooyin sharci ah, maxaa hadda keeney in la dhaho gobolka meesha halaga saaro. Maxay noqon karaan dhibaatooyinka soo muuqanaya haddii ay arimahaasi dhacaan;

1- Waxaa wiiqmaya nadaamka isku xirka dagmooyinka waxaana meesha ka baxaya wada tashigii gobol iyo deegaan iyo awooddii amni, dhaqaale iyo maamul ee gobolkaasi kulmin jiray.
2- Waxaa dhib noqoneysa in kaalmooyinka, fursadaha, amniga iyo dhaqaalaha la maareeyo maaddaama oo ay sameysmayaan isgarab yaac badan mar haddii dagmooyinka dhan laga dihigo garba siman.
3- Waxaa wiiqmaya isku dubaridka awoodda ciidamada amniga iyo baahida loo qabo in gobolku ahaado taliska amniga ciidamada iyo meesha ay kusoo aruureyso xogta dhabta ah si markaas loo gaarsiiyo meesha ay khuseyso sida madaxweynaha dawlad goboleedka markaasna wax looga qabto.
4- Waxaa wiiqmaya isla markaana isku dhexyaacaya arimaha gargaarka iyo ka jawaabidda masiibooynka mar haddii aysan jirin meel dhexe oo dagmooyinka laga hago marka uu dhib jiro
5- Waxaa la wiiqayaa awoodda dawlad goboleedka oo kursigii madaxweyne saddex  gobol waxuu noqonayaa guddoomiye gobol dad badan mar haddii ay yihiin degmooyin bas ah waxa la xukumo
6- Waxay arintani ka dhan tahay nadaamka dawliga ah ee dalka oo ah nadaam ku saleysan 18 gobol mana dhici karto in hal dawlad goboleed la dhaho goboladooda hala tirtiro meesha dawlad goboleedyada kale ay raadinayaan iney sameeyaan gobolo kale
7- Degmooyinku way kala dhaqaale badan yihiin waxaana keyd u ah gobolka oo loo soo cararaa markii wax loo baahdo balse haddii gobolkii laga saaro meesha ma jirto degmo degmo caawineysa waxayna halis ku tahay hormarka deegaanka.
8- Ma jiro caalamka meel aan lahayn Degmo iyo gobol waana nadaam dawli ah waana halis in arinkani hirgalo
9- Dhamaan nadaamka awood qaybsigu waxuu ku laaban doonaa gobol iyo degmo waxayna arintani dhaawac ku keeneysaa dawlad goboleedka Jubaland iyo awoodda madaxweynaha, baarlamaanka iyo golaha wasiirada.

Markaii laga yimaaddo caqabadahan muuqda ee aan kor kusoo xusay, bal aan eegno ujeedka ka dambeyn kara arinkan aan marna socon karin. Ujeedka waxaa wata dad kooban oo is qarinaya oo raba iney abuuraan awood degmo laga yaabo iney reer ahaan degan yihiin balse hadda laga xukumo gobol.

Haddaba si ay degmadaas ugu noqoto mid aan cidna ka amar qaadanin ayaa waxaa loo burburinayaa nadaamkii dalku lahaa ama ay dawladdu ku taagneyd.
Dawladda Jubaland iyo dhamaan dawlad goboleedyada Soomaaliyeed waxey ka kooban yihiin gobolo iyo dagmooyin mana jirto sabab keeneysa in gobolka Gedo, Jubada Hoose ama kan Jubada dhexe la horgeeyo golaha wasiirada isla markaana la dhaho aan tirtirno gobolo abuuran oo shaqeeyey.

Arinkani waa caqabad, dib udhac iyo dagaal hoose oo ay shakhsiyaad wataan iska dhigaya iney Jubaland danteeda ka shaqeynayaan balse dhab ahaantii raba wax kale. Golaha wasiirada Jubaland, Baarlamaanka iyo Madaxweynaha waxaa saaran in arinkaas  laga hortago lana joojiyo maaddaama oo uu khatar ku yahay jiritaanka Jubaland iyo shacabkeeda. Shakhsiyaadka hawshan wadana waxaan leenahay dhabarkiina ayaa muuqda!
WQ: Abdirahman Ahmed
hormuud232@gmail.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xeerka batroolka oo la ansixiyay
Ajandaha kulanka baarlamaanka ee sabtida waxaa ugu horeeya Qalbi Dhagax
Kiiska Qalbi Dhagax: Shan Arrimood oo aysan dowladdu sharrixin
42 arrimood oo la yaab leh oo uu sameeyey Donald Trump
Dowladda iyo rugta ganacsiga oo qir iyo qir taagan