Madaxweyne Jubbaland oo jiheystey London

Published: May 6, 2017

Kn: Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland Cabdweli Maxamed Cali iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si kala gaar gaar ah ugaga dhoofay maanta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Kismaayo iyagoo ku sii jeeda magaalada London si ay ugaga qeybgalaan shirka dhowaan ka furmaya magaalada London.

Axmed Madoobe iyo Cabdiweli Gaas ayaa labaduba waxa ay ku sii hakanayaan magaalada Nairobi iyadoo aan la ogeyn sababta isku soo beegtay safarkooda.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Jubbaland ay ahmiyada koowaad siinayso nabadgalyada halka uu Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali uu sheegay in muhiimada shirka ay tahay in lahelo ciidan qaran iyo dib u dhis horumar dhaqaale oo dalka loo sameeyo.

Safarka ay madaxda ugu ambabaxayaan magaalada London ayaa u muuqda inuu bilowday iyadoo shirka furitaankiisa ay ka harsan tahay afar cisho.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Uhuru oo loo xukumay hogaaminta Kenya
Farmaajo oo Imaaraadka u duulay
Garoonka Cabdi Bille Cabdi oo roog cagaaran la dhigay
Warbixin iyo talo soojeedin ku saabsan magaalada Carmo
Baarlamaanka oo dhiibistii Qalbidhagax ku tilmaamay khalad dhacay