Hanti Dhawrihii oo xabsi loo taxaabay kadib cadeymo

Published: May 7, 2017

Kn: Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey xabsiga loo taxaabay Hanti Dhawrihii Guud Dr. Nuur Faarax Jimcaale kadib markii ay soo ifbaxeen cadaymo horleh oo mas’uulkan la xiriirinaya dilka wasiirkii hawlaha guud ee Federaalka Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaje.

Nuur Faarax

Cadaymaha ayaa la xiriira dhulka uu Nuur Faarax ka dhisayay goob ay lahayd wasaarada hawlaha guud, taasi oo wasiir Cabaas dhismihii oo dhexda maraya uu ka joojiyey isla habeenkii la dili doono maalinkeeda.

Warar kale waxa ay sheegayaan in dadka kiiska u xiran ay hadda gaarayaan illaa 4 qof, oo uu xitaa ku jiro askarigii la socday wasiirka.

Xoggo aanan la hubin waxa ay iyaguna tilmaamayaan in meydka wasiirka ay ku yiileen xabado dhawr ah, taasoo ka dhigan in wasiirka isaga oo dhaawac ah gaariga banaankiisa lagu dhameystirey.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wacad ku maray in haddii kiiskani uu caddaalad ku dhamaan waayo in dalka dawladnimadiisa ay qalqal galayso.

Astaamaha hadda muuqda oo dhan waxa ay muujinayaan in dilka uu ahaa mid horey loosii qorsheeyey, waxaase baaritaan lagu wadaa qorshe intaasi ka balaaran oo mas’uuliyiin kale la damacsanyahay in lagu qaarijiyo.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Dawladda oo ku dhawaaqday in bari Ramadhaan tahay
Maxkamadda sare oo laashay 8 kursi baarlamaanka
Jubbaland oo laashay qorshe qeybsiga kheyraadka
Ra’isulwasaaraha oo gaaray 100km
Jawaari oo waraaq u direy madaxweynaha