Madaxweyne Farmaajo oo safar dhulka ku tagay Afgooye

Published: May 8, 2017

Kn: Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow safar dhinaca dhulka ah ku gaaray degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

farmajo-afgoye1

Booqashadan ayaa ah tii u horeysay ee dhulka ee Madaxweynuhu ku tago meel ka baxsan Muqdisho, tan iyo markii xilka loo doortay.

Ammaanka wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo saaka la xanibay dhamaan dhaq dhaqaaqyada dadka iyo gaadiidka, waxaana hakad ku yimid gaadiidkii labada dhinac isu kala gooshi jiray.

Madaxweynaha ayaa xiran dareyska Milateriga, waxaa safarkiisa dhulka ku wehliya, Madaxweynaha Koofur Galbeed, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyeyaasha Ciidamada sida Milateriga, Booliska, Nabadsugida iyo Xildhibaano.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hada kulan la leh qeybaha kala duwan ee bulshada reer Afgooye, waxaa uu kala hadlayaa xaalada ammaan iyo mid nololeed ee ay qabaan.

Safarka Madaxweynaha ee Afgooye ayaa ku soo aadaya, iyadoo tobaneeyo isbaaro la soo dhigtay inta u dhaxeysa Muqdisho illaa Wanlaweyn, waxaana maalmahan jiray cabasho ay ka qabeen gaadiidleyda ku safarta wadadaas.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xeerka batroolka oo la ansixiyay
Ajandaha kulanka baarlamaanka ee sabtida waxaa ugu horeeya Qalbi Dhagax
Kiiska Qalbi Dhagax: Shan Arrimood oo aysan dowladdu sharrixin
42 arrimood oo la yaab leh oo uu sameeyey Donald Trump
Dowladda iyo rugta ganacsiga oo qir iyo qir taagan