Maxaa Qaldamay?: isku dhaca Hanti dhowraha iyo dawlada

Published: May 8, 2017

Kn: Qoraalkan Gaaban waxaan isku dayi doonaa inaan ku lafo guro arintii uu ka dhashay is jiid jiidka u dhaxeeyay Hanti dhawraha qaranka iyo dawlada Soomaliy, mawduucan oo ah mid madaxa la galaya dhinacyo badan oo Qaanuuni ah iyo mid Audit ahba waxaan isku dayi doonaa in aanan midnaba ku dheeraan ee aan ku eekaado sharax yar oo kooban meelaha ay lagama maarmaanka tahay inan yara iftiimiyo, arintii u baahan falanqayn badana kolay waxaad u noqon doontaa buugaagta iyo joornaalada ku saabsan arinkaas. Intaas kadib waxa kale oo aan rabaa inaan afeefto in dhamaan arimaha aan halkan kusoo xusi doonaa yihiin arimo public ah oo dadka oo dhan ay daalacan karaan.

Akhristow waxa aynu la soconaa in markay taariikhdu ahayd 3dii bishan May 2017 lagu dilay magaalada Muqdisho wasiirkii hawlaha guud Cabaas Siraaji Alle ha u naxariisto e oo ay dileen ilaalada hanti dhawrka guud ee qaranka; kulan deg deg ah oo ay yeesheen golaha wasiiradu wax ay xilkii ka qaadeen Hanti dhawraha isla markaana gudi loo xilsaaray baaritaanka dilka ayaa soo bandhigay sababaha xilka looga qaaday hanti dhowraha guud ee qaranka oo aynu hoos ku falanqayn doono.

Hadaba Hadii aaynu Guda Galno Falanqaynta Arintan ugu horayn Xafiiska Hanti dhowrka Qaranku waa haayad madax banana oo ka shaqaysa ilaalinta hantida guud ee Qaranka, Hanti dhawrka arimaha uu qabtoo iyo hababka uu adeegsadaba waxa aad ka akhrisan kartaan websitka ururka duwaliga ah ee dajya shuruucda arimaha hanti dhawrka ee loo yaqaano INTOSAI; Qodobka 114-aad ee dastuurka ku meel gaarka ah ayaa ogolaanaya in la abuuro xafiiskan “Waxaa jiri doona Hey’ado madaxbanaan oo ay yeelanayaan Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, sida Garyaqaanka Guud, Hanti-dhowrka Guud, iyo Bangiga Dhexe oo noqonaya Heer Federaal ah”. Waana qodobka kaliya eek a hadlaya Hanti Dhawrka Guud, Waxaa jiro qodobo badan oo si fiican u faahfaahinaya dawrka Hanti dhawraha iyo Cida xaq u leh magacaawidiisa iyo xil ka xayuubintaba, Hase ahaatee Qodobadaas waa Qodobo ka mid ahaa qabyo qoraalka dastuurka oo laga saaray markii danbe dastuurka ku meel gaarka ah ee la ansixiyay August 1, 2012.

Waxaa yaab leh in dastuurkii Somalia ee 1960 ka faah faahsanaa markay timaado arimaha hanti dhowrka dastuurkan haatan shaqeeyay 2012! waxaa loo noqon karaa qodobka 34 ee sharciga soo baxay April 1972 kaas oo cadeeyay cida xaq u leh inay magacwdo xilkana ka qaado hanti dhawraha oo ah Madaxwaynaha Jamhuuriyada dimuqraadiga ah ee Somalia. Inkasta oo lagu doodi karo in Shuruucdii hore lagu baabiiyay kuwa cusub iyo dastuurka ku meel gaarka ah, Hase ahaatee marka qaanuun ama dastuur cusub lasoo saaro waxa lagu cadeeyaa qodob sheegaya in qaanuunkii ama dastuurkii hore la tuuray, dastuurka ku meel gaarka ah ma sheegin qodob noocaas ah! xaalada sidan oo kale ah waxaa lagu fasirtaa ilaa sedex hab oo kala duwan oo aad looga dodo diraasaadka qaanuunka.

Hanti dhawruhu waxa uu hindise sharciyeed usoo gudbiyay golaha baarlamaanka 17.6.2014 kaas oo aan ilaa manta go’aan laga qaadan! Madaxweyne xasan sheikh ayaa dilay hindise sharciyeedkan isaga oo dhawr arimood oo xitaa uu dalbaday loo fuliyay hadana aad ayuu uga caga jiiday in uu meel mariyo. hoos ka fiiri marxaladaha uu soo maray hindise sharciyeedkani.

Hadii aynu hoos u daadagno Yaa magacaabay Hanti dhawraha Qaranka ee haatan xilka laga qaaday Nuur Faarax ? Yaa Interview gareeyay ? Yaa Hubiyay Shahaadooyinkiisa Iwm. Taariikhdu markay ahayd August 14, 2013 ayaa qaar ka mid ah website yada somalida lagu soo dhajiyay shaqadan ah hanti dhawraha Qaranka waxaana cinwaan u ahaa magaca dawlada federalka, mana ay ku cadayn wasaarada ama hayada soo post garaysay si loo ogaado in ay awoodooda ka mid tahay magacaabida Hanti dhawraha Qaranka, Postkaas waxaa lagu codsaday in lagu soo hagaajiyo applicationada labadan email ee kala ah mofprecruitment@gmail.com iyo pfmreformunit@gmail.com hadaba sida aad akhriste u jeedo labada emailba waa gmail ee ma aha domain ay leedahay haayad ama wasaarad dowladeed! Labadan email shaqooyin kale ayaa applicationadooda lagu xareeyay kuwaas oo ay ka mid ahayd xisaabiyaha guud ee qaranka iyo shaqooyin khuseeya wasaarada maaliyada. Si kastaba ha ahaatee waxa ay u eegtahay in ay yihiin labadan email wasaarada maaliyada iyo qolooyinka beesha caalamka.

Si ay ahaataba in la magacaabo hanti dhawre qaran waxa ay ku dhalatay hawo markaas socotay oo uu madaxweyne xasan sheikh maxamuud ku dhawaaqay lix tiir oo uu ka shaqayn doono oo ay ka mid ahayd hagaajinta habka maaliyada dawlada, iyo warbixin ay soo gudbiyeen qolooyin beesha caalamka ah oo ay ku sheegeen in ay jireen dhowr arimood oo ay ka liidato dawlaldu oo ay ka mid ahaayeen jirtaan la’aanta xafiis hanti dhowre oo madax banana, qolooyinka beesha caalamku waxa ay u cuskadeen shaqada ay markaas ku gudo jireen shuruucdii hore ee dawalada Somalia kuwaas oo ay ugu muhiimsaneed qodobka 26aad ee habka xisaabeedka dawlada ee sanadkii 1961, kaas oo dhigaya garsoorka xisaabaadka la damaanad qaado madax banaanidooda, qaanuun gooni ahna lagu maamulo; sidoo kale in wasiirka maaliyadu uu diyaariyo xisaab sanadlaha ah isla markaana u gudbiyo garsooraha xisaabadka si uu u baaadho, sida uu dhigay distoorka qodobkiisa 90aad mudo aan ka danbayn 20ka April ee sanadka xiga. Qodobka 27 ee hab maaliyadeedka ayaa sidoo kale dhigaya in xisaab sanadeedka ay aqblaan golaha wasiirada iyada oo ay ku lifaaqantahay warbixinta wasiirka iyo tan garsoorka xisaabaadku kadibna la hor geeyo golaha shacabka si ay u meel mariyaan.

Hadaba akhristow Caqli gal ma tahay in Hanti dhawrahii laga rabay in uu baadho, hubiyo xisaabaadka dawlada in ay soo magacawdo wasaarada maaliyadu ?!!

Cid soo magacawdaba Hanti dhawrihii waxaa loo doortay Nuur Faarax oo sida ay sheegeen laga dhex doortay tobonaan qof oo soo dalbatay shaqadan. Waxaa la hor geeyay golaha wasiirada oo cod aqlabiyad ah ku aqbalay. Sidaas ayaanu ku yimid Nuur Faarax.

Hadaba waa kuma Nuur Faarax ?

Marka aan leeyahay waa kuma Nuur Faarax kama wado sida badanka soomaalidu u screen garayso dadka ee waxaan ka hadli doonaa khibradiisa iyo cvgiisa ku jira internatka gaar ahaan pagekiisa Linkedin; Nuur ma sheegin halka uu ka qaatay jaamacadiisa darajada koobaad. Laakin waxa uu shahaadooyin master ah ka qaatay jaamacada Saint Mary’s University halka uu shahadaada Phdna ka qaatay jaamacada Pittsburg State University 2008 sidoo kale waxaa uu qoran in uu haysto shahaadooyinka profesionalka ah ee kala ah CIA, CISA, CISSP, PMP. Shahaadooyinkan oo ay aad u fududahay in la hubiyo iima suura galin in aan hubiyo waayo Nuur masoo galin Liscense numberkiisa shahaadooyinkan. Dhinaca khibradiisa waxaa Qoran in Nuur uu ahaa maamulha auditka ee shirkada BricksSteet Mutual Insurance Company mudo ilaa 3 sano iyo badh ah kadibna uu la shaqeeyay N Brown Subscription Processing Office iyo US Bank position ah maamule maaliyadeed.

Akhristow hadaba Hadii CVgaas laguu keeno ma u magacaabi lahayd Hanti dhawraha Qaranka ?! ma u jeedaa khibrad in xitaa hal maalain Xafiis dawladeed uu audit ka sameeyay Nuur ?! Dad badan oo Nuur Ku yaqaanay Maraykanka waxa ay sheegeen in Nuur ahaa Macalin IT oo school ku leh Maraykanka!

Intii uu Nuur ahaa hanti dhawraha Qaranka waxa uu ahaa wajiga kaliya ee warbaahinta u taagan xafiiska hanti dhawrka, waxa uu inbadan sheegi jiray in wax la xaday la dhacay, kadibna wuu aamusi jiray! mana update garayn jirin shacabka somaliyeed halka ay wax ku danbeeyeen. Wali si professional ah wax ma daabicin xafiiska hanti dhawrku oo ku salaysan habka caalamiga ah ee loo baadho wasaarada iyo haayadaha dawladeed. Websitka hanti dhawrku aad ayuu u liitaa, kaliya luqada englishka ayaa ku qoran, wax macluumaad ah oo ahmiyad leh kuma jiraan, social media iyo xiriir wanaagsan oo ay ula xidhiidhaan shacabku ma jirto, arintii ugu yaabka badnayd waxay ahayd markii hanti dhawruhu sheegay xafiiskiisa in la jabsaday oo documentiyo muhiim ah iyo laptobo laga qaatay, Iyo dhaliilo badan oo aanan halkan kusoo koobi Karin. Mihnada hanti dhawrku waa mihnad aad u qiimo badan xuquuq iyo waajibaad badan leh wax kasta ha yaraado ama ha badnaatee waxaa jira standards loo noqdo waana mihnad cilmi ku salaysan.

Hadaba waxa aynu la soconaa in markay taariikhdu ahayd 3dii bishan May 2017 lagu dilay magaalada Muqdisho wasiirkii hawlaha guud Cabaas Siraaji oo ay dileen ilaalada hanti dhawrka guud ee qaranka, kulan deg deg ah oo ay yeesheen wasiiradu wax ay xilkii ka qaadeen Hanti dhawraha isla markaana gudi loo xilsaaray baaritaanka dilka ayaa soo bandhigay sababahay xilka looga qaaday hanti dhowraha oo aha sidan:

1. Guddiga Baaritaanka waday oo ugu horeyn dalbaday in xasaanada laga qaado, taasoo sababtay in xilka laga qaado

2. in isagoo Mas’uul ah aanu u gurman markii falku dhacay Wasiirkii la dilay, isla markaana marka dhibka dhacay uu gaarigiisa goobta ka dhaqaaqay.

3. Wareysigii uu siiyay Idaacada VOA oo lagu tilmaamay inay aheyd mas’uuliyad darro iyo inuu ka hor-dhacay baaristii socotay, kuna tilmaamay wixii dhacay inay ahaayeen askar is rasaaseysay, uuna Wasiirka ku dhintay qaab shil, sidaas darteedna Guddiga baaritaanka waday ay soo bandhigeen cadeymo muujinaya in hal xabad kaliya ay dhacday, oo aheyd tan lagu dilay Wasiir Cabaas.

4. in askariga dilka geystay oo ka mid ahaa Ilaalada Hanti dhowrka qoriga uu wax ku dilay uusan aheyn mid sharciyeysnaa, isla markaana qorigiisa uu meel kale jiray.

Sababahan in shaqada looga eryi karo iyo inkale inta aynaan ka hadlin waa arin loogu hanbalyeeyo dawlada in ay heer sidan u sareeya durbaba usoo bandhigto baadhitaankeeda!

Isla 5 may 2017 ayuu madaxweyne maxamed cabdulahi farmaajo kusoo saaray xeer madaxwayne oo uu ku aqblay xil ka qaadista hanti dhawraha Qaranka waxaanu si rasmi ah xilka uga qaaday hanti dhawrihii guud ee qaranka.

Nuur faarax waxa uu kasoo hor jeestay xil ka qaadista waxaanu sheegay in baarlmaanku uu xilka ka qaadi karo markaas kadib uun uu madaxwaynuhu digreeto kusoo saari karo xil ka qaadistiisa.

Akhriste intaa kadib marka aan soo ban dhignay dhamaan sharciyada khuseeya arimaha xafiiska hanti dhawrka guud ee qaranka iyo arimaha la xidhiidha wax aan kusoo gaba gabeeynayaa arimahan soo socda:

1. Nuur magaacbidiisa waxaa ku jiray mugdi badan Cida magacawday iyo qaabka loo magacaabayba. Taas waxa ay adkeynaysaa in gunaanad fudud laga gaadho cida xilka ka qaadi karta. Laakin sida ayno soo sheeganaya arinta kaliya ee public ah waa in ay golaha wasiiradu u magacaabeen xilkaas codna u qaadeen sidaas darteed ay xaq u leeyihiin in ay xilka ka qaadi karaan.

2. Sharcigii ugu danbeeyay ee loo noqon karo ee hanti dhowrka oo ah kan 1972 waxa uu xaq u siinayaa madaxwaynaha in uu magacaabi karo xilkana ka qaadi karo hanti dhawraha, taas oo xaq u siinaysa madaxwayne Farmaajo in uu xilka ka qaado hanti dhawraha.

3. Hinise sharciyeedka hanti dhawrka uu ansixiyay barlamaanku se aanu wali saxeexin madaxwaynuhu si rasimi ahna aan wali loo faafin waa hindise qabyo oo aan noqon Karin sharci la cuskan karo.

4. Intii uu ahaa Nuur hanti dhawraha Qaranka wax la taaban karayo masoo ban dhigin

5. Nuur aad ayeey u dhibsadeen dhamaan hayadaha dawladu ama isagu ha sax sanaado ama iyaguye arinta oo abuurtay in loo arko in uu caqabad ku yahay shaqada dawlada

6. Nuur wax khibrad ahaa uma lahayn shaqadan arintaas oo sababtay qalaalaase aad u bahasan xafiiska laftigiisa iyo dhamaan hayadaha dawlada.

7. Raysal wasaare khayre oo ay fara badan ku godanyihiin waxay u ahayd fursad uu uga takhaluso Hanti dhawraha. Arintan oo aad halis u ah waa in si looga hor tago wax khaladaad ah in shaqada si ku meel gaar ah loo buuxiyo. Si dawrka hanti dhawrku u shaqeeyo gaar ahaan xiligan kala guurka, iyo shirka London oo fooda inagu soo haya!

8. Waa in isha lagu hayo hanti dhawraha soo socda iyo kaamka uu ka imaanayo, waxayna noqonaysaa musiibo hadii uu ka yimaado kaamka raysal wasaaraha!

9. Sharciga hanti dhawrka aad ayaa looga gaabiyay wax aanu qaatay sida aynu kor kusoo sheegnay in ka badan 3 sano walina hindise sharciyeedkii lama meel marin

10. Si aan qalaalse danbe loo galin waa in baarlamaanku si dhakhso ah u meel mariyaa hindise sharciyeedka hanti dhawrka qaranka

11. Waa in la xoojiyo hanaanka transparantiga qaabka loo magacaabo saraakiisha sar sare ee dawlada

12. Xisbigii hore ee talada ka dagay waxa uu raadinayaa fursad uu kusoo rogaal celiyo iyaga oo raadinaya fursad uu khaladaad ku helo

13. Haayadaha noocan oo kale ah waa haayado aad u muhiim ah, in si wayn looga taxadiro cida loo magacaabayo, sababtoo ah waxaa fudud in si qaldan loo isticmaalo

14. In hore loo mariyo xafiiska hanti dhowrka guud ee qaranka hadii ay noqoto taageero maaliyadeed, shuruuceed, shaqaale tayo leh

15. Hanti dhawruhu wuxuu u baahanyahay xirfado aad u sareeya oo la xidhiidha dhinaca tacaamulka iyo is fahanka masuuliyiinta iyo dhinaca mihnadaba ah

16. Xidhiidhka u dhaxeeya xafiiska hanti dhawrka iyo hayadaha kale ee dawladu waa xidhiidh is kaashi, wada shaqayn iyo stratejiyad guud

17. In aan lagu kaaftoomin kaliya xafiiska hanti dhawrka qaran ee la abuuro haayado kale oo la dagaalama musuq maasuqa, kana shaqeeya maamul wanaaga

Maxay kula tahay Adiga? Fikradaada iigu soo Gudbi Email:

Abdirahman Osman

Alraxma1988@gmail.com

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Shillin Soomaaliga oo laga diidey Gaalkacayo
AMISOM oo laga kireeyey dhul Soomaaliya ku yaala
Askar ka goosatay Jubbaland oo Alshabaab u galay
Dowladda Kenya oo qaadka ka tilmaamtay ‘daroogo’
Aqalka Sare oo buuxinaya kaalintii maxkamadda dastuurka