Saadaq John oo loo magacaabay Taliyaha Nabadugida G. Banaadir

Published: May 8, 2017

Kn: Taliyihii Nabadsugida Gobolka Banaadir Maxamed Xasan Faarax oo loo yaqaano Faranfar ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay, iyadoo Taliye cusub loo magacaabo.

saadaq-john

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha cusub ee loo magacaabay Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa lagu magacaabaa Col. Saadaq Cumar Xasan oo ahaa Taliyihii Nabadsugida Galmudug.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Saadaq John inuu noqdo Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir.

Ninkan ayaa ayaa ku noolaa dalka Ingiriiska, waxaana la sheegaa inay saaxib yihiin Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka C/llaahi Sanbaloolshe oo lahaa soo jeedinta magacaabista.

Labada nin ee xilka Nabadsugida Gobolka Banaadir la isku bedelay ayaa horay waxay madax ka soo noqdeen Nabadsugida Gobolada Dhexe.

Is bedelada xileed ayaa wali halkeeda ka sii socota, waxaana muuqata in cid walba oo xil sare ama mid hoose heysa inay seefta xil ka qaadista aanay dhaafeyn.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Dawladda oo ku dhawaaqday in bari Ramadhaan tahay
Maxkamadda sare oo laashay 8 kursi baarlamaanka
Jubbaland oo laashay qorshe qeybsiga kheyraadka
Ra’isulwasaaraha oo gaaray 100km
Jawaari oo waraaq u direy madaxweynaha