Shirka London oo maanta furmaya

Published: May 11, 2017

Kn: Shirkii muddada dheer la hadal hayay ee London ayaa maanta lagu wadaa in uu furmo, waxaana khudbadaha furitaanka jeedin doona madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaaraha Britain Tharesa May.

Shirka London

Shirkani ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxda inta badan dawladaha dariska sida Kenya, Itoobiya, iyo Jabuuti iyo xitaa Uganda.

Waxaa kale oo ka qeybgalaya wafuud ka socota wadamo badan oo kale, ujeedkuna wuxuu yahay in lacago loogu yabooho Soomaaliya.

Waxaa meesha lala tagay qorshe dib loogu dhisayo ciidamada Soomaaliya, iyo sidoo kale dib usoo kabashada dhaqaalaha dalka oo muddo dheer burburey.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xeerka batroolka oo la ansixiyay
Ajandaha kulanka baarlamaanka ee sabtida waxaa ugu horeeya Qalbi Dhagax
Kiiska Qalbi Dhagax: Shan Arrimood oo aysan dowladdu sharrixin
42 arrimood oo la yaab leh oo uu sameeyey Donald Trump
Dowladda iyo rugta ganacsiga oo qir iyo qir taagan