Illaa 67 ruux Soomaali ah oo laga soo tarxiilay Mareykanka

Published: May 12, 2017

Kn: Illaa 67 ruux Soomaali laga soo musaafuriyay Mareykanka ayaa maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Soomaali la soo tarxiilay

Diyaaradda siday dadkan Soomaaliyeed ayaa soo martay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi, halkaasoo ay ku dejisay illaa 5 Kenyan ah oo iyana ka mid ahaa dadka la soo musaafuriyay.

Saraakiisha Hey’adda Socdaalka Soomaaliya ayaa u sheegay qaar ka mid ah warbaahinta in diyaarad gaar ah dadkan lagu keenay, haatana ay nabad qabaan.

“Waxaa loo soo tarxiilay arrimo la xiriira socdaalka oo ay ka mid tahay sharci la’aan, waa nalagu soo wargeliyay qorshaha keenidooda” sidaas waxaa yiri Sarkaal ka tirsan Hey’adda Socdaalka oo la hadlay Idaacada Risaala oo ka mid ah Idaacadaha ku yaala Muqdisho

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa korortay dadka faraha badan ee laga soo musaafuriyay dalka Mareykanka, waxaana laga soo dejiyay Muqdisho Soomaali ka badan boqol ruux.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa balan-qaadkii uu sameeyay markii ololaha uu ku guda jiray waxaa uu ahaa inuu dalka ka musaafurinayo dadka sharci la’aanta ah iyo kuwa fal dambiyeedyada galay.

Bishii Janaayo ayay aheyd markii Madaxweyne Trumo uu soo saaray sharci ka mamnuucaya in dalka Mareykanka soo galaan Muslimiinta illaa lix dal oo kala ah Soomaaliya, Suudaan, Liibiya, Iiraan, Yemen iyo Suuriya.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Dawladda oo ku dhawaaqday in bari Ramadhaan tahay
Maxkamadda sare oo laashay 8 kursi baarlamaanka
Jubbaland oo laashay qorshe qeybsiga kheyraadka
Ra’isulwasaaraha oo gaaray 100km
Jawaari oo waraaq u direy madaxweynaha