Kismaayo: Ciidamada Amniga Jubaland oo fashiliyay qarax ismiidaamin

Published: May 12, 2017

Kn: Ciidamada Nabadsugidda Jubaland ayaa fashliyay nin isku soo rakibay walxaha qarxa oo damacsanaa inuu qarxiyo xerada ciidamada amniga Koongo ee xaafadda Farjanno, magaalada Kismaayo.

Askari ka tirsan ciidamada Nabaddsugidda Jubaland ayaa markii uu ka shakiyay ku amray ninkan inuu istaago ka hor inta aysan la qarxin miinada nooca jaakada oo uu gashanaa dhagarqabahani, waxaana halkaasi ku dhintay isqarxiyaha iyo gabar yar oo halkaasi ku ganacsaneysay halka labo ruux oo kale na ay ku dhaawacmeen.

Kornayl Axmed Muuse madaxa dambi baarista ee ciidanka Nabad sugidda ayaa Warbaahinta uxaqiijiyay in tiro dad ah loo soo qabtay falkaasi maanta ka dhacay Kismaayo, ayna socdaan baritaanno dheeraad ah oo lagu ogonaayo silsiladda ka dambeysa qaraxani.

KismaayoNews.com.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Dawladda oo ku dhawaaqday in bari Ramadhaan tahay
Maxkamadda sare oo laashay 8 kursi baarlamaanka
Jubbaland oo laashay qorshe qeybsiga kheyraadka
Ra’isulwasaaraha oo gaaray 100km
Jawaari oo waraaq u direy madaxweynaha