Emmanuel Macron oo la caleemo saaray

Published: May 14, 2017

Kn: Madaxweynaha la doortay ee dalka Faransiiska Emanuel Macron, 39 jir, ayaa loo caleemo saaray xilka madaxtinimada dalkaasi isagoo noqday madaxweynihii ugu da’da yaraa ee abid qabta xilkaasi tan iyo wixii ka dambeeyay Napoleon.TELEMMGLPICT000128596415-large_trans_NvBQzQNjv4Bqe5jTtuvhyhg4PHi86V8a0p815QE7DqplUJlHpAWoYtg

Emanuel Macron ayaa doorashadii dalkaasi ka dhacday helay codadka boqolkiiba 60, isagoo ka guuleystay gabadha lagu magacaabo Marine Le Pen oo xilka kula tartantay.

Madaxweyna oo soo galay doorashada dalkaasi isagoo hor kacaya xisbi sanad ka hor aasaasay oo aan  xubno ku lahayn golayaasha dalkaasi ayaa looga fadhiyaa inuu iskusoo celiyo dalkaasi oo uu ka jiro isir naceyb badan.

Isniinta soo socota ayaa la filayaa inuu magacaabo Raiisul wasaare ka hor doorashooyinka baarlamaanka ee qabsoomi doona bisha soo socota.

Xaaladda shaqo la’aanta dalkaasi ayaa gaartay heerkii ugu badneyd muddo sanado ah waxaa looga fadhiyaa inuu isbedello la taaban karo keeno Faransiiska.

Madaxweyne Macron ayaa xilka kala wareegay madaxweynihii hore ee dalkaasi Francois Hollande oo dalkaasi soo xukumayay tan iyo sanadkii 2014.

170514091550-01-marcon-inauguration-hollande-exlarge-169

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xeerka batroolka oo la ansixiyay
Ajandaha kulanka baarlamaanka ee sabtida waxaa ugu horeeya Qalbi Dhagax
Kiiska Qalbi Dhagax: Shan Arrimood oo aysan dowladdu sharrixin
42 arrimood oo la yaab leh oo uu sameeyey Donald Trump
Dowladda iyo rugta ganacsiga oo qir iyo qir taagan