Madaxweyne Farmaajo oo Ubax dhigay taalladda SYL ee magaalladda Muqdisho

Published: May 15, 2017

Kn: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa maanta Ubax dhigay taalladda SYL ee magaalladda Muqdisho, halkaas oo lagu qabtay xuska SYL.

faree

Xubnaha golayaasha dowladda ayaa ku wehlinayay Ubax dhigista iyo munaasabadda xuska maalinta aas-aaska xisbigii gobanimo-doonka ahaa ee SYL.

Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan munaasabadda 15-ka May oo ah maalinta dhallinyaradda, Islamarkaana ku beegan sannadguuradii 74-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskii Ururkii SYL ee kaalinta weyn ka qaatay xornimadii dalka.

Munaasabaddii maanta waxaa ka qeyb-galay, golayaasha dowladda, mas’uuliyiinta Gobalka Banaadir, dhallinyaro iyo qaar ka mid ah Ururrada Bulshada Rayidka.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa hambalyo u diray dhamaan dhallinyaradda Soomaaliyeed, xuska munaasabadda 15-ka May awgeed.

“Dalka hadda waxaa uu taaganyahay xiligii ay dhallinyaradda gacanta ku dhigi lahaayeen isla markaana ay u hagi lahaayeen dhanka Horumarka iyo xasiloonida”, sidaasi waxaa yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Maanta oo kale 15-kii bishii May sanadkii 1943-dii waxaa u suurtagashay 13-kii ee dhallinyaradda Soomaaliyeed inay dhibada u taagan xisbigii la magac baxay SYC {Somali Youth Club} ama ururuka dhalinyarada Soomaaliyeed, kaas oo markii dambe u xuubsiibtay ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL {Somali Youth League}, sanadkii 1947-dii bishii May maanta oo kale ayaa ururka SYL si rasmi ah magacaasi u qaatay, xiligaasi waxaa ururka dhisay 13-dhalinayaro ah.

farara farmaajo1 farmaajo2 far1 far

KismaayoNews.com

 


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
DF oo gashay qalalaase dastuuri ah
Agaasimihii wasaarada isgaarsiinta oo xilka laga qaaday
Shillin Soomaaliga oo laga diidey Gaalkacayo
AMISOM oo laga kireeyey dhul Soomaaliya ku yaala
Askar ka goosatay Jubbaland oo Alshabaab u galay