Kudlada cusub ee baarlamaanka oo gilgishey dawladda Farmaajo

Published: May 17, 2017

Kn: Kudlad cusub oo ay ku mideysanyihiin 80 xildhibaan ayaa dhawaan looga dhawaaqay magaalada Nairobi, waxaana guddoomiye looga dhigey xildhibaan Cabdirishiid Xiddig.

xiddig

Kudladan ayaa waxa ay sheegtey in ay si dhab ah ola xisaabtami doonto xukuumadda Kheyre iyo Farmaajo, islamarkaasina lagu sixi doono qaladaadaka jira.

Waxaa arrinkooda sii xoojiyey kadib markii uu soo baxay tuhun ah in Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari uu hoosta wax kala ogyahay, isaga oo la sheegey in uu Nairobi yimid xiligii lagu dhawaaqayay kudladda.

Arrinkan waxaa aad oga gilgishey Farmaajo iyo xukuumadiisa, kuwaasi oo adeegsanaya baraha bulshada dadka isticmaala in ay dhaleeceeyaan xildhibaanada.

Qodobka ugu macquulsan ee ay farta ku fiiqayaan ayaa ah in xukuumada aysan gaarin 3 bilood xitaa, ayna tahay arrin degdeg ah in hadda lugaha lagu dhago.

Balse dadka kale ee arrintani dhexdhexaadka ka ah waxa ay sheegayaan in talaabada kudladda ay qaaday ay tahay mid wanaagsan, maadaamaa baa la yiri xukuumadda hadda jirta ay u muuqanayso mid aanan lala xisaabtami karin, islamarkaasina hadhoow marka ay xeero iyo fandhaal kala dhacaan aanan waxbo laga qaban karin hadhoow.

Waxaa farta lagu fiiqay in hadda xukuumada ay heysato fursad ay biloowgaba wax ku saxdo, aragtana in aanan loo dulqaadan doonin wax qaladaad ah.

Kismaayonews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xeerka batroolka oo la ansixiyay
Ajandaha kulanka baarlamaanka ee sabtida waxaa ugu horeeya Qalbi Dhagax
Kiiska Qalbi Dhagax: Shan Arrimood oo aysan dowladdu sharrixin
42 arrimood oo la yaab leh oo uu sameeyey Donald Trump
Dowladda iyo rugta ganacsiga oo qir iyo qir taagan