Maxay ka dhiganyihiin shirweynayaasha wasaaradaha DF

Published: May 17, 2017

Kn: Maalmahan waxaa magaalada Xamar ka socdey shirweynayaal ay qabanayeen wasaaradaha federaalka ee kala duwan, waxaana laga soo saarayay war saxaafadeedyo, hadaba maxay ka dhiganyihiin shirweynayaashan?

nooca cusub ee sawirada madaxda u galaan

Shirweynayaashan waxaa bilaabay xukuumadii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud sanadkii 2013-kii, waxaana aad loo xusuustaa shirweynayaashii Garsoorka iyo kuwii kale oo ay kasoo baxeen qodobo aad muhiim u ahaa balse aanan waxbo laga fulinin.

Xukumadda hadda jirtana ay isla dariiqii oo kale ayay wax ku bilaabayso, waxaana hadda shirweynayaal qabtay wasaaradaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, iyo Dastuurka, waxaana dhamaantood laga soo saaray war saxaafadeedyo hadalo guud ay ku qoranyihiin.

Shirweynayaasha qaar waxa ay iska tuureen waxyaabihii kasoo baxay shirweynayaashii ka horeeyey, waxayna wajahayaan nidaam cusub.

Mid ka mid ah shirweynayaasha kuwooda ugu muhiimsan waxa uu ahaa shirweynaha Dastuurka oo shalay uun soo dhamaaday, kaasi oo dad badan ay indhaha ku hayeen waxa kasoo bixi doona, balse qodobada soo baxay waxa ay ahaayeen kuwa aan faahfaahin badan wadanin, islamarkaasina si qoto dheer aanan hoos ugu daadagaynin qodobada rasmiga ah ee muddo la;isku hayay sida kala soocista awooda madaxweynaha iyo tan Ra’isulwasaaraha iyo meeqaamka caasimadda.

Dhibka ugu badan ee waxyaabaha shirkan kasoo baxay ayaa ah in aysan jirin wax rasmi ah oo hadhoow la eegi karo in la fuliyey iyo in kale, sidoo kale warmurtiyeedka ma sheegayo xili la fulinayo hawsha la qabanayo iyo waliba nooca ay tahay hawsha la qabanayo, waxa kaliya ee ku qoran ayaa ah in 3dii biloodba mar la qaban doono shir ay isugu imanayaan wasaradda iyo wasaaradaha maamul goboleedyada.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Dawladda oo ku dhawaaqday in bari Ramadhaan tahay
Maxkamadda sare oo laashay 8 kursi baarlamaanka
Jubbaland oo laashay qorshe qeybsiga kheyraadka
Ra’isulwasaaraha oo gaaray 100km
Jawaari oo waraaq u direy madaxweynaha