Farmaajo oo xafiiskiisa suray sawirka madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Published: May 18, 2017

Kn: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa shaqada suray sawirka madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan [Aadan Cadde] isaga oo faah faahin ka bixiyay sababta uu sidaa u sameeyay.

Madaxweyne Farmaajo xafiiskiisa suray sawirka madaxweynihii hore ee Aadan Cabdulle Cismaan

Madaxweynaha ayaa sawirkiisa ku badallay kan Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya Allaha u naxariistee Aadan Cadde , waxaana arrintan ay noqotay mid dad badan ay hadal hayeen, islamarkaana ku cusub xarunta madaxtooyada iyo xafiiska shaqo ee madaxweynaha.

“Markaan arkayo subax walba sawirkiisa, macnaheeda waxay tahay in lagu daydo oo dalkaan u gudbay dimoqraadiyad, runtii aan dooneyno in aan horumarino dimoqraadiyada, taariikhdna mar walba aan xusno, isna uu ka ahaa astaan wanaagsan”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

In xafiiska madaxweynaha la suro sawirka madaxweynaha tallada haya ayaa ah  qodob dastuuri ah, gaar ahaan qodobka 87 Faqradiisa B, hasse ahaatee arintan ayuu madaxweynaha ku tilmaamay dhiiri-galin.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Uhuru oo loo xukumay hogaaminta Kenya
Farmaajo oo Imaaraadka u duulay
Garoonka Cabdi Bille Cabdi oo roog cagaaran la dhigay
Warbixin iyo talo soojeedin ku saabsan magaalada Carmo
Baarlamaanka oo dhiibistii Qalbidhagax ku tilmaamay khalad dhacay