Sweden oo ka laabatay dacwaddii loo heystey Jullian Asange

Published: May 19, 2017

Kn: Dawladda Sweden ayaa ka laabatay dacwaddii loo heystey ninka leh bogga seeri-afuufka ah ee Wikileaks, taasi oo la xiriirtey kufsi la sheegey in uu u geystey haweeney u dhalatay dalkaasi.

Julian Assange

Asange oo shir jaraa’id ku qabtay safaaradda Equdor ee London oo xabsi guri ahaan ugu jiro ayuu sheegey in tani ay tahay guul weyn oo usoo hoyatay, balse dagaalka hadda biloow yahay.

Waxa uu u mahadceliyey Qaramada Midoobey iyo dawladda Eqador , wuxuuna sheegey in wixii ku dhacay aysan ahayn wax uu cafin karo ama halmaami karo.

Wuxuu sheegey in 7 sano uu ku jirey xabsi guri, isaga oo xitaa aanan helin illeyska cadceedda, islamarkaasina aanan qoyskiisa waqti la qaadanin.

Dawladda Ingiriiska ayaa dhankeeda aanan wali ka noqonin dacwadaha ay u heysato Asange waxayna ku saabsanyihiin siraha uu faafiyo oo loo ako kuwa halis ah.

KIsmaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Uhuru oo loo xukumay hogaaminta Kenya
Farmaajo oo Imaaraadka u duulay
Garoonka Cabdi Bille Cabdi oo roog cagaaran la dhigay
Warbixin iyo talo soojeedin ku saabsan magaalada Carmo
Baarlamaanka oo dhiibistii Qalbidhagax ku tilmaamay khalad dhacay