Jawaari oo waraaq u direy madaxweynaha

Published: May 24, 2017

Kn: Dawladnimada waa waraaq xafiis ka bilaabata, xafiis kalana ku dhamaata, golaha shacabkana waa kan kaliya ee dhaqankaasi hirgaliyey tan iyo intii uu hoggaanka u qabtay Maxamed Cusmaan Jawaari.

Guddoomiyaha baarlamaanka waxa uu xitaa waraaqaha u qoraa xafiiska madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha oo hal xeendaab ay ku wada shaqeeyaan, sababtoo ah waa xeerka dalka, xitaa waxyaabaha xasaasiga ah ayuu waraaqaha ugu diraa si ay u galaan keydka dawladnimada.

Maanta waxa uu u direy warqad ku saabsan in madaxweynaha uu jawaab kasoo bixiyo waxa uu ka ogyahay heshiiska dekada Berbera ee Somaliland iyo Imaaraadka, jawaabtaasina ka horsheego golaha shacabka marka uu furayo kalfadhigiisa labaad oo soo dhow.

Waraaqda oo cuskanaysa qodobada dastuurka dalka ayaa waxa ay u qorneyd sida hoos ku qoran.

qoraal jawaari 1qoraal jawaari 2

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Dowladda federaalka oo waanwaan ka dhex wadda Hirshabelle
Madaxweynaha Jubbaland oo Gaarisa tagaya
Fursado Shaqo oo kabanaan Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Jubaland
Madaxda ciidamada Maraykanka oo la kulmey Axmed M. Islaam
Hanti Dhawraha cusub oo laga dhigey nin qurbe joog ah