Dowladda Ethiopia oo Soomaaliya Ku Wareejisay 120 Maxbuus

Published: July 3, 2017

Kn: Ra’isul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka qaybgalaya shirw madaxeedka  Ururka Midowga Afrika ee ka socda magaalada Adis-ababa, waxaa uu  sheegay in dowladda ethiopia ay ku soo wareejisay 120 maxbuus oo ku xirnaa dalka Ethiopia.

DD1d19MXsAAIr-q

Wuxuu sheegay in soo wareejinta maxaabiistu ay qayb ka ahayd heshiis dhexmaray dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Ethiopia, kaasi oo la saxiixay safarkii hore ee uu ku tegay Magaaladda Adis-ababa ee Dalka Ethiopia

“Waxaan ku guuleysanay in ay Itoobiya nagu warejiso 120 Maxabiis Soomaali ah iyadoo fulinaysa heshiiskii ay Soomaaliya la gashay “ ayuu ku yiri ra’isul Wasaaruhu qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

“Safarkeygii hore waxaan Dowladda Itobiya kula heshiinay in ay nagu soo wareejiso Maxabiista Soomaaliyeed ku xiran dalkeedda” ayuu sii raaciyay

Dhinaca kale, Ra’isul Wasaare Khayre wuxuu khudbad ka jeediyay shirweynaha  29aad ee ururka Midowga afrika oo ay ka qaybgalayaan Madaxweynayaal iyo hoggaamiyaasha qaaradda afrika, wuxuuna ka hadlay caqabadaha haysta Soomaaliya iyo fursadaha horyaal gaar ahaan horumarinta dhalinyarada oo udub dhexaad u ahayd barnaamijka uu la tegay shirka midowga Afrika.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Duqeyn ka dhacday Jillib oo qoys dhan lagu laayay
Dowladda federaalka oo waanwaan ka dhex wadda Hirshabelle
Madaxweynaha Jubbaland oo Gaarisa tagaya
Fursado Shaqo oo kabanaan Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Jubaland
Madaxda ciidamada Maraykanka oo la kulmey Axmed M. Islaam