Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay deeq raashin oo ka timid Turkiga

Published: July 3, 2017

Kn: Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay deeq raashin ah oo ka timid Turkiga, kaasoo loogu tala galay gurmadka abaaraha saameeyay gobolada dalka, iyadoo deeqdaas lagu xareeyay bakhaaro ku yaalla Dekeda Muqdisho

deeq2

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay waheliyaan Wasiirka Cadaalada Xasan Xuseen Xaaji, Wasiir ku-xigeenka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xildhibaan Cilmi Cumar Ceynsane iyo Gudiga Abaaraha Soomaaliya ayaa si wadajira maanta u booqdey bakhaarada ay ku jiraan raashin mucaawino ah oo ay ku deeqdey Hay’adda Bisha cas ee dalka Turkiga,taasoo loogu tala galay in la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Gargaarka Cilmi Cumar Caynsane ayaa warbaahinta u sheegay in raashinkan oo dhan 12500 oo tan kana kooban noocyo kala duwan, ayaa loogu tala galay in loo qaybiyo dadka Soomaaliyeed kuwooda ay saameenta xoogan ku yeelatay abaarihii dalka ka dhacay,qof walbana goobtiisa lagu gaarsiin doono.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa u mahad celiyay dowlada Turkiga sida ay u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed mar walbana ay la qayb sato xaaladaha adag sida abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee nolosha iyo amniga.

“Waxaa loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay dhiri galiyaan waraabka beeraha si loo abuuro noocyada kala duwan ee dalaga ka baxa dalkeena, taasoo noo sahlaysa inaan helno cunto aan anagu abuuranay ugana baxno baahida dowladaha shisheeye”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in si cadaalada loo qaybin doono raashinkan,waxuuna tilmaamay in shaqadan ay si wada jira u maamuli doonaan madaxda WasaaradaGargaarka iyo Gudiga Abaaraha Qaran.

deeq1 deeq3 deeq2

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Duqeyn ka dhacday Jillib oo qoys dhan lagu laayay
Dowladda federaalka oo waanwaan ka dhex wadda Hirshabelle
Madaxweynaha Jubbaland oo Gaarisa tagaya
Fursado Shaqo oo kabanaan Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Jubaland
Madaxda ciidamada Maraykanka oo la kulmey Axmed M. Islaam