Madaxweynaha Suudaan oo booqanaya Ruushka

Published: July 3, 2017

Kn: Madaxweynaha  Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa usafraya dalka Ruushka Bisha soo socota xilli ay aad uyaryihiin safarrada dibadda ee madaxweynaha kadib eedeynta dambiyada dagaal ee maxkamada dambiyada Caalamiga ah ee ICC.

Cumar Al Bashiir

Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Suudaan ayaa sheegay in xukuumada Ruushka ay xasuumaad rasmi ah usameysay Madaxweyne Cumar Al -Bashiir kaa oo ay labada dal uga wada hadli doonaan xiriirka laba-geesoodka ah ee dhinacyada badan leh.

Booqashadan la rajeynayo inay dhacdo todobaadyada dambe ee bisha August sanadkan ayaa imaanaysa xilli ay Suudaan ka dhursugeyso go’aanka in laga qaado xayiraadda ganacsiga ee mudada 20 sano ah ee ay saartay dowladda Mareykanka.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Duqeyn ka dhacday Jillib oo qoys dhan lagu laayay
Dowladda federaalka oo waanwaan ka dhex wadda Hirshabelle
Madaxweynaha Jubbaland oo Gaarisa tagaya
Fursado Shaqo oo kabanaan Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Jubaland
Madaxda ciidamada Maraykanka oo la kulmey Axmed M. Islaam