NRC oo sheegtay in 700 carruur ah daacuun uga dhinteen Soomaaliya

Published: July 3, 2017

Kn: Hay’adda NRC ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in 700 oo ruux cudurka shuban biyoodka ugu geeriyoodeen Soomaaliya.

Hay’adda ayaa sheegtay in dadka daacuunka ugu dhimanaya Soomaaliya gaar ahaan carruurta ayaa ka badan kuwa colaadaha ugu dhimanaya.

K/Suudaan ayaa sidoo kale diiwan galisay 160 ruux oo u dhimatay daacuun, taas oo aan caadiyan dhicin xilliyada aan roobabku di’in.

Sannadkii hore markii uu xilligan oo kale marayay hal ruux oo daacuun u dhintay lama soo sheegin.

Hay’adda Norwegian Refugee Council waxay sheegtay in colaadda ka jirta labadaas dal ay dhibaato baaxad leh u gaysteen nidaamyadii caafimaadka dadwaynaha, dhanka biyaha bulshada iyo waxyaabihii kale ee aasaasiga u ahaa nadaafadda.

Xog-hayaha guud ee hay’adda NRC Jan Egeland ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka la gaarsiiyo biyo nadiif ah, adeegyada nadaafadda aasaasiga u ah iyo dawo si loo joojiyo faafitaanka cudurkan laga hortagi karo, isaga oo intaa ku darray in cuddurkan uu istaahilo in buugaagta taariikhda uun lagu arko.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
War hadda soo dhacay: Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo asagoo dhaawac ah xabsiga loo taxaabay
Dhoobley oo laga furay xarun baasaboorka laga qaato
Xildhibaano dacwad lagu soo oogay
Jubbaland oo Galmudug gurigooda u dirtay
Wariye Soomaaliyeed oo Itoobiya u xirnaa oo la sii daayay