Ciidamada Jubbaland oo habeenimo mirey Alshabaab

Published: July 5, 2017

Kn: Ciidamada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland iyo kuwa Xoogga dalka ayaa xalay kula dagaalamay duleedka deegaanka Lugloow oo qiyaastii 17 km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab , waxaana labada dhinac halkaasi ku dhexmaray iska horimaad xooggan.

cidamada jubaland

Dagaalka ayaa la sheegay in uu qarxay kadib markii ciidamo ka tirsan daraawiishta Jubaland iyo kuwa xoogga dalka oo ku sugnaa saldhig ku yaal deegaanka Lugloow ay weerar qorsheeysan ku qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo isku abaabulayay duleedka deegaankaasi.

Saraakiisha ciidamada Jubaland ayaa soo bandhigay meydadka 13 askari oo ka tirsan Al-shabaab oo ay sheegeen in ay ku dileen weerarkii xalay iyo sidoo kale hub laga qabsaday kooxdaasi.

Taliye ku xigeenka hay’adda Nabadsugidda Jubaland Axmed C/laahi Ciise (Gaas) oo ay wehlinayeen saraakiil ka tirsan xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubaland ayaa warbaahinta kula hadlay deegaanka Lugloow, isagoo sheegay in weerarkii xalay ay qasaaro xooggan ku gaarsiiyeen Al-shabaab.

“Ciidamada Daraawiishta Jubaland iyo kuwa SNA ayaa xalay abaare 11:00 PM (Habeennimo) weerar qorsheeysan ku qaaday goob ay isku abaabulayeen kooxaha nabaddiidka, waad u jeedaan qasaaraha aan gaarsiinnay, dhaawac badanna way la carareen,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Duqeyn ka dhacday Jillib oo qoys dhan lagu laayay
Dowladda federaalka oo waanwaan ka dhex wadda Hirshabelle
Madaxweynaha Jubbaland oo Gaarisa tagaya
Fursado Shaqo oo kabanaan Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Jubaland
Madaxda ciidamada Maraykanka oo la kulmey Axmed M. Islaam