Aqalka Sare oo yeeshey Agaasime guud

Published: July 16, 2017

Kn: Abshir Maxamed Axmed , guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee aqalka sare ayaa sheegay in maanta la bilaabay imtixaannada shaqaaleysiinta golaha aqalka sare.

aqalka-sare

Bukhaari oo saxaafadda la hadlay ayaa waxaa uu arrinkaasi ka yiri “shaqaalihii loogu talagalay aqalka sare waxaa ii dheh lagu sameeyay qeybteedii 1aad oo ah 6 agaasime Waaxeed iyo Xoghayaha guud ee aqalka sare maamulkiisa qaban lahaa, xayeysiinta la sameeyay waxaa soo codsaday 1290, arrintaas kadib, aqalka sare waxaa uu u xil saaray UNDP sameynta short listiga”

Abshir Bukhaari waxaa uu intaasi ku daray in hey’addaasi UNDP ay soo saartay 61 qof si imtixaan u galaan, si dadkaasi loo qaado imtixaan ay sameysay, maamushayna isla hey’addaasi.

Mr. Bukhaari waxaa kale uu ka hadlay in maanta ay yimaadeen 42 qof , isla markaana ay imtixaan galeen, kuwaas oo sixidda kadib 24 laga xulan doono, lana sii marin doono wareysi si looga qaato 7 qof maamulka waaxyaha kala duwan ee aqalka sare

Imtixaankan laga qaado dadka loo shaqaaleysiinayo aqalka sare waxaa Wareysiga iyo xulashada Goobjoog ka ahaa, guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Duqeyn ka dhacday Jillib oo qoys dhan lagu laayay
Dowladda federaalka oo waanwaan ka dhex wadda Hirshabelle
Madaxweynaha Jubbaland oo Gaarisa tagaya
Fursado Shaqo oo kabanaan Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Jubaland
Madaxda ciidamada Maraykanka oo la kulmey Axmed M. Islaam