Dowladda Kenya oo qaadka ka tilmaamtay ‘daroogo’

Published: July 16, 2017

Kn: Wasaarada caafimaadka dalka Kenya ayaa warbixin ay soo saartay waxa ay ku tilmaamtay qaadka maandooriye halis ku ah caafimaadka dadka.

Qaad

Arrintani ayaa waxa ay waafaqsantahay astaameyn taas oo kale oo Qaramada Midoobey ay sameysey, iyada oo qaadka lala barbar dhigey daroogooyinka halista ah oo kale.

Waxase dad badan ka yaabiyey in Kenya oo horey u diidanayd warbixinta qaramada midoobey, islamarkaasina dhaqaale xooggan uu kasoo galo qaadka, ay hadda qaadka ku dartay liiska waxyaabaha daroogada ah.

Waxyaabaha warbixinta wasaarada caafimaadka ku xusan waxaa ka mid ah in uu qaadka keeno garaaca wadnaha oo yaraada, cadaadiska dhiigga oo yaraada, dhidid badan, iyo miisaanka qofka oo aad isu dhima.

Balse warbixintani waxa ay toos oga hor imanaysaa warbixin uu bishii maarso faafiyey machadka cilmi-baarista dawooyinka Kenya (Kemri) oo gabi ahaanba qaadka ku tilmaamay sheey aanan wax dhibaato caafimaadka ku lahayn.

Waxaa kale oo taasi barbar socota in Kenya ay ku dadaalayso sidii dowladaha UK, Maraykanka iyo Sweden ugu qancin lahayd in qaadka uusan ahayn daroogo, xili wadamaasi ay Daroogo ku tilmaameen.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
War hadda soo dhacay: Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo asagoo dhaawac ah xabsiga loo taxaabay
Dhoobley oo laga furay xarun baasaboorka laga qaato
Xildhibaano dacwad lagu soo oogay
Jubbaland oo Galmudug gurigooda u dirtay
Wariye Soomaaliyeed oo Itoobiya u xirnaa oo la sii daayay