AMISOM oo laga kireeyey dhul Soomaaliya ku yaala

Published: July 20, 2017

Kn: Hawlgalka nabad illaalinta Midoowga Afrika ee AMISOM ayaa laga kireeyey dhul ay ka daganyihiin magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne.

Waxaa heshiiska kala saxiixdey wasiirka arrimaha gudaha maamul goboleedka Hirshabeele Maxamed Cali Iidle iyo ergeyga Midoowga Afrika Soomaaliya u qaabilsan Francisco Caetano Madeira.

Dhulkani oo aanan la ogeyn illaa xiliga laga kireeyey ayaa ah xerooyinka ay ka degenyihiin magaalooyinkaasi, iyada oo sidoo kale ciidamadii laga soo raray jaamacada Gaheyr ay sidoo kale ku biiri doonaan kuwa Jowhar iyo Baladweyn.

Waa markii ugu horeysey oo ay soo ifbaxaan warar ku saabsan dhul laga kireeyey AMISOM.

Kismaayonews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
War hadda soo dhacay: Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo asagoo dhaawac ah xabsiga loo taxaabay
Dhoobley oo laga furay xarun baasaboorka laga qaato
Xildhibaano dacwad lagu soo oogay
Jubbaland oo Galmudug gurigooda u dirtay
Wariye Soomaaliyeed oo Itoobiya u xirnaa oo la sii daayay