DF oo gashay qalalaase dastuuri ah

Published: July 23, 2017

Kn: Dowladda Federaalka ayaa markale gashay qalalaase dastuuri ah kadib markii baarlamaanka cod aqlabiyad ah ku diideen go’aan ay gaartay maxkamadda sare oo ahaa in dib loogu celiyo doorashada 8 kursi baarlamaan ah oo horey muran oga jirey.

Islamarkii codka baarlamaanka uu dhacayba waxaa ka hadlay wasiirka dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo sheegey in ay qalad tahay in la farogaliyo madaxbanaanida garsoorka.

Sidoo kale guddoonka aqalka Sare oo horey u sheegey in uu buuxinayo kaalinta maxkamadda dastuuriga ah ayaa sheegey in uu arrintani dib u eegis ku samaynayo, go;aana kasoo saari doono.

Arrimaha la’isku hayo ayaa waxa ay ku saabsanyihiin dastuurka dalka oo wali qabyo ah, iyada oo sidoo kalana aysan jirin maxkamadda sare iyo waliba golaha adeegga garsoorka.

Sidan oo kale sanadii 2012-kii ayaa dalka waxa uu oga dhacay muran dastuuri ah oo xalkiisa uu adkaaday.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Golaha wasiirada K/Galbeed oo la ansixiyey
Duqeyn ka dhacday Jillib oo qoys dhan lagu laayay
Dowladda federaalka oo waanwaan ka dhex wadda Hirshabelle
Madaxweynaha Jubbaland oo Gaarisa tagaya
Fursado Shaqo oo kabanaan Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Jubaland