Qarax ka dhacay Kuumadaha, Kismaayo oo ay dad ku waxyeeloobeen

Published: August 1, 2017

Kn: Illaa 2 ruux ayaa dhimatay , 10 kalana waa ku dhaawacantay qarax loo maleeyey gaari lasoo rakibey oo ka dhacay meesha caanka ah ee lagu shaaheeyo casirkii ee Kuumadaha loo yaqaano ee Kismaayo.

Sawir hore

Sawir hore

Meeshani oo ah warshadii hore ee Galeyda ayaanan ka fogeyn madaxtooyada Jubbaland, marar hore ayay sidoo kale dhacdooyin yaryar ka dhaceen, balse waa qarixii ugu cuslaa inta la ogyahay.

Waxaa inta badan isugu yimaada oo ku kala warqaata, ama isaga daaha odayaasha magaalada iyo xitaa dhalinyarada qaar ee wargaleenka ah.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, oo ka mid ah kuwa faro ku tiris ah oo magaalada ka dhacay sanadihii lasoo dhaafay.

Inkasta oo gobolka intiisa kale ay ragaadiyeen Alshabaab iyo waliba maamulo gacan adag, ayaa hadana magaalada Kismaayo waxa ay ku naalooneysay nabad iyo amni.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Farmaajo, nabadoon Soomaaliyeed baan rabaa inaan noqdo
Soomaalida Norway oo mahad-celin u jeedisay Turkiga
18 dal oo dhaqaali uruurin laga bilaabay
Dawladda oo shaacisay khasaaraha nafeed ee qarixii Zoobe
Dhaawicii Suudaan la geeyay oo mooraal jab kadib salka dhigay